|

Boqor Buurmadoow oo Shan bilood ka dib Xabsiga laga sii daayay

Hargeysa July 18,2012(SDN)-Waxa goordhaweyto xabsiga laga sii daayay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadoo oo xukuumada Somalialnd ay xabsiga ku heysay mudo 5 bilood ka badan.

Siideynta Boqorka ayaa ka dhalatay ka dib kolkii xukuumada Axmed Maxamed Siilaanyo u babacdhigi kari weyday culeyso dhinacyo fara badan uga imanayay intii Boqorkuu uu xabsiga ku jiray.

Maalmo ka hor ayuunbay aheyd kolkii ay maxkamada Gobolka Hargeysa Buurmadoow ku riday xukun fejiciso ahaa oo lagu sheegay in uu aflagaadeeyay madaxweynaha Somaliland.

Maxkamada ayaa laba eedeymood oo xeer ilaalintu u soo gudbisay laalay,ka dibna xukunkan iskeed ugu riday.

Hay’ado ay ka mid tahay Amnesty ayaa qoraal ay soo saartay ku dalbatay in lagu sii daayo Boqor Buurmadoow.

Ma cada in Boqorku la hadli doono saxaafada dhawaan iyo in uu sii wadi doono ka hadalka qaladaadka baahay ee Xukuumada Axmed Siilaanyo.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed