|

Mudane Dahabshiil bal ka waran Faaiidooyinka ay Dawlad Wanaaga,Cadaalada iyo Ictiraafku Somaliland u leeyihiin?

Hargeysa July 18,2012(SDN)-Maamulaha guud ee Shirkada Dahabshiil Md Cabdirashiid Maxamed Siciid ayaa maalinimadii shalay khudbad taariikhi ah ka jeediyay shirka Qurbejooga reer Somaliland uga socda magalada Hargeysa.

Taariikhi sababta oo ah khudbada mudanuhu uu halkaa ka jeediyay waxa ay noqoneysaa mid ka mida kuwo dhif ah oo uu uga hadlo xaaladaha u gaarka ah Somaliland,halka uu caadiyan ka hadlo xaaladaha”Soomaalida iyo dhulka Soomaaliyeed”.

Maamulha Dahabshiil waxa khudbadiisa uu ku soo qaatay dhinacyada horumarka “wadeenkeenu” (Somaliland) ka gaadhay iyo dhinacyada weli u baahan in xooga la saaro si horumar dalku u gaaro.

Mudanuhu waxauuse carabka ka dhowray ka hadalka baahida dalku u qabo Dawlad wanaaga,cadaalada iyo Ictiraafka.

Maamulaha Dahabshiil Cabdirashiid waxa la isweydiin karaa in uu ku qanacsan yahay hanaanka maamul,cadaalad iyo Ictiraaf la’aanta dalka ka jirta in uu ku qanacsan yahay?

Mise waxa maamuluhu aanu fahamsaneyn faaiidooyinka qodobadaasi u leeyihiin in “wadankeenu” (Somaliland) helo maalgashi horukac ummadda u horseeda.

Maamulaha Guud ee Dahabshiil waxa uu ka hadlay caqabado ka dhexjira shirkadaha isgaarsiinta dhexdooda oo aaney macaamiishu wadahadli karin.

Waxase uu ka maagay ka hadalka xawaaladaha ciidaa ka batay ee aan iyagu macaamiisha leheyn,sida lala socdo Baananku waxa ay leeyihiin wadashaqeyn iyo isweydaarsi ganacsi oo adiga oo mid la macaamila ayaad mid kale lacag kala bixi kartaa.

Ka waran Mudane hadii aan lacag ku soo diro xawaalada aad u yar oo aan Hargeysa xaruntaada tago oo aad isiiso lacagtaa deetana aad Xawaaladii aan lacagta dhigtay qaansheegad u dirto oo lcagtaadii ka qaadato,ileyn waadigan ATMyada dalka geeyaye?.

Jawaabtaadu waxa ay la mid noqoneysaa ta shirkadaha isgaarsiintu ku siiyaa.

Si kastaba ha ahaatee “wadankeenu” horumar gaari maayo inta aynaan daacada ka aheyn sheyga ugu xasaasisan nolosheena oo ah jiritaankeena(Ictiraaf).

Shirkadahana waa in ay la yimaadaan cooperate responsibility oo ka dhigan masuuliyada shirkadaha ka saaran daryeelka bulshada ay ka dhex ganacsanayaan.

Hadiise qaadashadaadu ka badato waxtarkaagu waxa degdeg loo gari doonaa in macaamishuna kaa digarogato.

 

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews

Comments are closed