xadhiga boqor buurmadaw cafis kaliya ka culus[sharci daro aan hore loo arag]
Shacabka somaliland waxay 1988 ka dagaalameen cabudhin iyo caga juglayn
waxana loo galay halgan dheer sidii looga bixi laha cadaadiskii dawladii kacaanku umada ku haysay.
waxana loo galay halgan dheer sidii looga bixi laha cadaadiskii dawladii kacaanku umada ku haysay.
Dawladii kacaanku waxay inta badan caadaysteen waxay ku sheegi jireen[xadhig rumaana]kaas oo aan qofka wax maxkamada ama danbiya lagu soo oogi jirin hadana xabsigalaga yaabo inuu ku jiro mudooyin sanado kor u dhaafa.
waa la diiday nidaamka waana laga dagaalamay waxaana nin waliba ku waayay dad iyo duunyaba Maanta miyay haboon tahay in somaliland isla nidaamkii laga dagaalamay lagula kacodadka muwaadiniinta.
boqor cismaan buurmadaw ayaa mudo 4 bilood wax ka badan ku xidhnaa xabsiga hargaysa ayadoon wax maxkamada la keenin miyaanay tasi cadalad daro ahayn waxa laga yaaba qaar badan oo inaga mida markay akhriyaan qoralkan ay yidhaahdaan ninkani waa nin dawlada iyo madaxwaynaha ku kacsan.
maya taasi maaha mid xaqiiqa balse dulmiga hadaad aragto waxa kugu wajiba inad wax ka qabato ama ka hadasho hadii intaa aad awood uwaydana inaad niyada ka nacdo sida xadiisku sheegtay.
Inta caqliga qabtaa way garan karaan ama fahmi karaan xadhigan boqor cusmaan cawaaqib xumada uu dalka ku yeeshay waa la cafiyay iyo waa la sii dayay oo kaliya xaalku maaha sheekadu cafis iyo xoriyadiisii ayaa loo soo celiyay ka wayn waxa meesha taalaa waxa weeyee maxaa boqorka maxkamad cadaaliya loo hor keeni wayay?.
hadii boqorla lagu hayo aflagaado madaxwayne maxaa eeda lagu haysto si sharciya maxkamada loo horkeeni waayay?.
wasiirka arimaha gudaha shaqadiisu ma waxaytahay inuu wixii la yidhaa way hadleenba gudaha dhigaa dalku miyaanu lahayn kala danbay iyo maamul iyo sharci.
Aflgaadadada madaxwaynaha dalka soomaliland waa mid aan banaanayn qof kasta oo wax ka sheegana waa danbiile anagaa taa taageersan
waxase qofku xaq u leeyahay in tuhun kasta oo lagu soo oogo si sharciya maxkamad loogeeyo you are innocent until proven guilty waa sida sharcigu dhigaayo in qofka intaan lagu cadayn danbiga ee aan laga hor qirin maxkamada laguna helin danbiisa uu yahay qof aan wali danbi lahayn
ka yeeli mayno dawlada in sidii dawladii kacaanka muwaadiniinta jeelka lagu guro.
Gabagabdii
Dawladu xaal ha siiso sadex xubnood sadexdaba iyo magdhaw gaara
1, boqor cusmaan buur madaw dawladu xal ha siiso hana siiso magdhaw buuxa mudadii uu sharci darada ku xidhnaa.
2, shacabka uu boqorka u ahaa boqor cusmaan buurmadaw ee ayagu boqornimada u doortay.
3. shacabka soomaliland ee afcaashii ay ka dagaalameen hortooda la keenay taana xaal haka bixiso.
Hadalka ugu danbeeyana waxaan leeyahay
Ha la xaaraantimeeyo xadhiga rumaanka dastuurka iyo sharcigana halaga saaro wadaadada dalka joogana waxaan leeyahay kutubta aad sidataan waxa ku qoran ka hadla oo dulmiga lagu hayo shacbiga diida hadii kale iska xiira gadhka khamiisyadana bixiya ha noqonanin wadaadii kacaanka u adeegi jiray .
HAL SU,AALANA WAXAAN LEEYAHAY
Dawladu haday sharciga jiidho tolow dadkuna muxuu samaynayaa?
Wabilaahi Tawfiiq
Siciid Cabdi Dheen
London UK