Dawlada oo sheegtay in hawlagalo ay ciidamadu qaadeen in ay ku qabqabteen Shabaab faro badan
Muqdisho July 15,2012(SDN)-War ka soo baxay wasaarada warfaafinta ee dawlada FKMG ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgalo ciidamadu ku qaadeen xaafado ka tirsan Muqdisho in lagu qabqabtay tiro dada oo la tuhun san yahay in ay Shabaabka ay ka tirsan yihiin.
Hawgalada ayaa lagu sheegay in looga gol lahaa adkeynta amniga caasimada sida lagu xusay warka ka soo baxay wasaarada warfaafinta.
Tirada dadka la qabqabtay ayaa lagu sheegay in ay aheyd ilaa 89 ruux oo kooxda Al Shabaab K atirsan.
“Ujjeedada hawlgalada ayaa aheyd in lagu sugo amniga casimada isla markaana loogu gogol xaadho kulamada lagu ansixinayo Dastuurka cusub ee dalka”ayaa lagu yiri warka dawlada.
Hawlgalada ayaa ku koobneyn uun caasimada ee sidoo kale ciidamada dawladu waxa ay sugaan amniga degaanada Muqdisho daafaheeda ah sida Afgoye iyo Balcad.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com