Ujeedada socdaal ay Wasiirada Maaliyadda iyo Beeraha Somaliland ku gaadheen magaalada Boorama
Boorame 15, July 2012 (SDN)-Wasiirada wasaaradaha Maaliyadda iyo Beeraha ayaa maanta socdaal hawleed ku gaadhay xarunta G/Awdal ee Boorame, waxaana halkaaw ku soo dhoweeyey maamulka gobolka iyo ka degmadaas.
Socdaalka wasiiradu waxa uu la xidhiidhaa sidii beeraleyda gobolkaasi ay u soo xerayn lahaayeen cashuurta ku waajibay ee Dawlada hoose iyo ta dhexe.
Kulan ku saabsan hirgelinta qorshaha cashuur-bixinta beeralayda Somaliland oo ay wasiirada iyo weftiga la socdaa la yeesheen Beeraleyda deegaanada Idhanka, Dila, Baki iyo Boorame, waxa uu weftigu faahfaahin kaga siiyay beeraleyda hanaanka loo dejiyey bixinta cashuuraha beeraleyda iyo qorshaha xukuumaddu ugu talo gashay taageerada iyo horumarinta beeraleyda yaryar ee dalka si wax soo saarkoodu u kordho, isla markaana gacan ka gaysto guud ahaan siyaasadda koboca dhaqaale ee wadanka.
Wasiirka wasaaradda Beeraha Faarax Cilmi Geedoole oo la hadlayey beeralayda ay la kulmeen, waxa uu sheegay in xuduud loo kala dhigay dhul-daaqsimeedka iyo dhul beereedku isla markaana cadeeyey inaan la ogolaan doonin in la ooto dhul aan beero ahayn.
Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa isna dhinaciisa ku dheeraaday qiimaha ay cashuurtu u leedahay dhismaha qaranka isla markaana ku boorriyey beeraleydaas inay waajibaadka cashuureed ee qaranku ku leeyahay ay ka soo baxaan.
Beeraleyda waxaa loo mudeeyey inay ku bixiyaan cashuuraha ku waajibay muddo labo todobaad ah, xilli ay beeraleydu weftiga wasiirada u soo bandhigeen duruuftooda xiligan ay ku jiraan iyo caqabadaha ka hor yimaadda xilli beereedka gaar ahaan marka ay yimaadaan dhibaatooyinka dabiiciga ah sida roob yaraanta iyo abaarta.
Qurbejoog.com, Boorame