Shir lagu dejinayo qorshaha Caafimaadka ee shanta sanno oo Hargeysa ka furmay
Hargeysa, 18, June 2012 (Qurbejoog)- Shir lagaga hadlayo Qorshaha Horuumarinta Caafimaadka ee shanta sanadood ee soo socda, ayaa maanta looga furay huteel maansoor ee magaaladda Hargeysa waxaana ka soo qeyb galay dhakhaatiir ka kala socota Goboladda dalka iyo khubaro caalamiya oo dhinaca caafimaadka ah. Agaasimaha guud ee wasaaada caafimaadka Cabdi Axmed Nuur,oo furitaanka kulankan oo socon doona saddex maalmood ka hadlay, ayaa faah-faahin ka bixiyey muhimadda uu leeyahay qorshaha horuumarinta caafimaadka ee shanta sanadood ee socda, iyo sida ay lagama-maar maanka u tahay in xooga la saaro sidii qorshahaasi loo meel marin lahaa. Agaasimaha guud waxa uu u soo jeediyey ka qayb galayaasha in ay ku dedaalaan sidii ay kulankan uga soo saari lahaayeen talooyin ku saabsan sida ugu haboon ee loo meel marin karo qorshaha shanta sanadood ee soo socda ee horumarinta caafimaadka. Agaasimaha waaxda qorshaynta wasaarada caafimaadka khadar maxamuud Axmed, oo isna halkaa ka hadlay ayaa ka waramay dedaalka wasaarada caafimaadka ee dhinaca horumarinta caafimaadka , isaga oo tilmaamay in labadii bilood ee ugu danbeeyay ay wasaaradu ka qayb gashay shirar caalamiya oo ku saabsan caafimaadka, kuwaasi oo uu xusay in lagu soo bandhigay qorshahan shanta sanadood ee horumarinta caafimaadka. Qurbejoog. Hargeisa