|

Hargeysi ma waxay noqotay goosarad xabaal taala.—madax dhaqameedkeeda ayaana halkaa dhigay

Waa  hubaal  in dalka  iyo dadka jamhuuriyada somalilandba  yihiin dad is leh isla markaana uu ka dhaxeeyo dal, dad, iyo dawladnimo ay tahay in la wada ilaashado  dhana looga soo wada jeesto  wixii wax u dhimaya.    waxaa kale oo  hubaal ah in bulshada somaliland aanay wali qaangaadh u noqon dimuqraadiyada casriga ah, isla markaana ay u baahan yihiin sidii  loo kobcinlahaa  dimuqraadiyada la rabo in la gaadho,

 si hadaba  looga midho dhaliyo hamiga la higsanaayo wakhtiga fog ee ah in lagaadho dimuqraadiyad  rasmi ah oo qofka muwaadinka ahi uu iska sharaxi karo halka uu deganyahay iyadoo aan loo eegayn qabiilka uu ka soo jeedo, waxaa haboon in marka hore dimuqaadiyada  la kobcinayo lagu saleeyo xaqiiqada dhabta ah ee madhaafaanka ah ee jirta, taas oo ah in bulshada somaliland ay u kala degaan degaano ku salaysan qabaail, islamarkaana ay qurux badantahay in dimuqraadiyada marka hore lagu socod baro in musharaxu uu iska soo sharaxo halka qabiil ahaan uu ka soo  jeedo (arintni waxay ka mid tahay uun kobcinta iyo socod baradka dimuqraadiyada ee si kale ugama jeedo). 

 

Arinta ah in ururada qaarkood  ka  soo sharaxayaan xubno aan asal ahaan degnayn  degaaka ay iska soo sharaxayaan, taasi waxay u muuqanaysaa  qardajeex  iyo iska horkeen  bulshada ah.   waana arin caqliga saliimaka ahi diidayo.   tasaale hadaynu  u soo qaadano    suuto gal matahay  in mushax asal ahaan ka soo jeeda xaafada Goljanno ee degmada deegaanka hargiesa uu iska sharaxo  galbeedka burco ama bariga burco????    ama musharaxa u dhashay oodwayne uu iska sharaxo salaxley, ama musharax ka soojeeda gabilay uu iska sharaxo laascaanood !!!!!  waa  arin caqlima fayoobi aanu  qaadan karayn wakhdigan xaadirka ah.  Arinta ay ururada qaarkood wadaana caqliyadaas ayay la mid noqonaysaa.   suutagalna ma noqonayso  in deegaanada kale ee dalkana la kala lahaado   hargiesana  ay noqoto GOOSARAD XAABL TAALA OO AAN CIDI LAHAYN.

hadaba hadaynu isdultaagno waxyaabaha suurto galiyay in hargiesa cid waliba iku daydo in ay iska sharxaan oo ay  u muuqato meel aan cidba lahayd, siday aniga ila tahay  waxaa weeye  dadka deegaanka hargiesa oo iyaga la isku jeediyay,  oo loo qaybqaybiyay daamo  isla markaana  siyaasad ahaan la dhexdhigay  xurgufo siyaasadeed oo dad dano gaar ah lihi intabadan ay ka faaidaysataan.  arituna waxay inta badan ka jiiftaa xaga madaxdhaqameedyada deegaanka hargiesa  oo iyaguuni isku muuqda  oo aan deegaanka iyo dadka iyo  wadadhlashada ka dhaxaysaaba aanay u muuqan.   waxaanan talo ugu soo jeedin lahaa madaxdhaqameedka deegaanka hargiesa in ay  aayaha deegaankooda iska arkaan kana wada tashadaan.

arinta xubnaha golaha deegaanka hargiesa maanta ku dhawaaqeena waa arin  ay ka gaabiyeen madaxdhaqameedka  magaalada hargiesa .  Hadal iyo dhamaantii  cidi ma diidana hargiesi tahay magaalo madaxdii dalka jamhuuriyada somalilnad  isla markaana uu fadhiyo maamulkii dalku,   laakiin  waxaa kale oo ay tahay deegaan ay cidi ku abtirsato  oo ay degan tahay ,  hadaba inta la samaynayo xeerka caasimada dalku  iyo meeqaamka  ay yeelanayo  waa degaan la mid ah deegaanada kale ee  dalka dadkii asalka u lahaa ayuubaanay tahay in ay deegaankeedana ka taliyaan.

 

waa mahadsatiin

Cabdimatan

Comments are closed