WAXA JIRA CUDUR, DAWADIISA LA NECEB YAHAY. W/Q: Cabdilahi Gadhle
Anigoo ah muwadiin somalilander ah magacayguna yahay Cabdilaahi Cisman Cabdi (Cabdilahi Gadhle) manta oo ay taariikhdu tahay 15/6/2012 waxaan jecla inaan in yar tilmaamo cudur ina dashaday sameyeyna, xubinta ugu qaalisan jidhka bila aadanka
Cudurka loo yaqaan qabyaaladu waxa uu ku dhaca qaybta ugu muhiimsan jidhkeena ee lo yaqaan (maskaxda) cudurkaasi waxa uu udiida in ay iyadu iskeed isu maamusho garatana waxa fiican iyo waxa xun, markastoo uu jidhka ku bato virus ka keena cudurkani, qofku waxa uu ugu neceb yahay in la siiyo dawada cudurkan,
GOORMA LA GAADHI KARA IN LA DAWEEYO XANUUNKAN
• Waxaa la gaadhi kara, markaynu xaqiiqsano in aynu u dhiman karno
• Markuu qofkasta nadafada ka bilaabo gurigiisa, si loo saxo caafimadka guud
• Marka waxii laynoo abuuray aynu u soo noqno oo ah waxaad naftada la jeceshay walaalka la jeclow
• Markaad cidaad amintay (xukuumad )u daba fadhisato sharciga
KA HORTAGA CUDURKAN
1. Waa in la kala saara siyaasada iyo dhaqanka bulshadu waligeed lahaan jirtay
2. Waa in bulshadu nooc kasto shaqo tahay qabtaa, si looga hor tago shaqo yaran
3. Waa in la joojiya shaxaadka
4. Waa in nooc kasto maandooriye ah xukumadu joojisa in u soo galo wadanka
DAWADA CUDURKAN
1. Ku dhaqanka shareecada islaamak si dhamstiran ,min gurigaaga ilaa shaqada
2. Waa in wadanka lagu beero dad kala jinsiyada ah lana siiyo aqoonsi dhamaystiran
3. Waa in waxa nolosha dadkani ku tiirsanayd oo ahayd ,xoolo dhaqato, loo badala, kaluumaysato, beeralay, warshado yaryar
4. Waa in la abuuro (sports fields) garoomo kubada lagu ciyaaro
5. Waa in la sameeya tartankii loo yaqaanay kadis
6. Waa in tirada ururada siyaasada la sooo kooba, si aan reer waliba u samaysan urur qabiil ku salaysan
Qalinkii iyo maskaxdii; Cabdilaahi Cismaan Cabdi (Cabdilahi Gadhle)