Somaliland oo Degaano ay Shalay Qabsatay ku Wareejisay Puntland
Tuka Raq June 17,2012-(SDN)-Ciidamada Somaliland ee shalay gacanta ku dhigay degaanada Tuka Raq ayaa maanta ku wareejiyay ciidamada Puntland oo dhankooda ka soo ruqaansaday.
Arrintan oo soo shaacbaxday gelinkii hore ee maanta ayaa waxa ka hadlay wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo shegay in ay sababo dhanka ciidanka ah uga soo baxeen.
Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland ayaa sidoo kale beeniyay eedo la xidhiidha in ciidamada Somaliland ay hawlgal la qaadeen kuwa Puntland.
Degaanka Tuka Raq ayaa hore waxa uga arriminayay Khaatumo iyada oo labada dhan ay ka fadhiyaan Puntland iyo Somaliland.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com