|

Riyaad: Dhaxal-sugii koowaad ee Boqortooyada Sucuudiga oo geeriyooday

Riyaad 16, June 2012 (SDN/Bloomberg)- Dhaxal-sugii Boqortooyada dalka Sucuudiga boqor Naa’if bin Cabdicasiis Al-Sacuud, ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Riyaad ee caasimadda dalkaas.

Boqor Naa’if oo hoggaaminayay hawlgalka la-dagaalanka Argagixisada, waxa uu hayay xilka wasiirka Daakhiliga ee dawladda Sucuudi Carabiya, waxaana dhimashadiisa ku dhawaaqay boqor Cabdallah bin Cabdilcasiis oo ay walaalo yihiin.

Dhaxal-suga geeriyooday, Nayef bin Abdulaziz Al-Saud, waxa uu geeriyooday iyadoo ay da’diisu 70 jir dhaaftay, wuxuuna boqor Cabdallah maanta geeriyada walaalkii kaga dhawaaqay hadal uu ka jeediyay Telefishanka dawladdu maamusho ee dalkaas.

Crown Prince of Saudi Arabia Nayef bin Abdulaziz al-Saud

Dhimashadiisa ka hor, waxa bishii March ee aynu ka soo gudubnay daawayn loo geeyay dalka Maraykanka, gaar ahaan magaalada Ohio.

Marxuum boqor Naa’if, waxa uu xilka wasiirka Arrimaha Gudaha dalkiisa hayay tan iyo 1975-kii, wuxuuna ahaa boqorka awood ahaan ugu saamaynta culus, tan iyo intii ay qulqulatooyinka Carbeed qarxeen.

Qurbejoog.com, Riyaad

Comments are closed