|

Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo shaacisay xilliga ay Ardaydu u fadhiisanayaan Imtixaanka Shahaadiga ah

Hargeysa, 16, June 2012 (SDN)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa manta si rasmi ah ugu dhawaaqday xilliga ay ardayda dugsiyada sare iyo kuwa dhexe u fadhiisanayaan imtixaanka shahaadiga ah ee sannadka 2011 iyo 2012.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabatay xarunta Guddida Imtixaanaadka Qaranka ee magaalada Hargeysa ayaa shaacisay waqtiga, tirade ardayda u fadhiisanaysa iyo tirade goobaha lagu galayo imtixaankaas.

“Waxaanu manta ku dhawaaqaynaa waqtiga imtixaanka la galayo, tirade ardayda galaysa iyo goobaha imtixaanka, ardayda sannadkan ka qaybgalaysaa waa 17531 arday (toban iyo todoba shan boqol sodon iyo kow), dugsiyada sare waxa ka baxaya 5846 arday (shan kun sided boqol afartan iyo lix), 4169  (afar kun lixdan iyo sagaal) waa wiilal, 1695 (kun lix boqol sagaashan iyos shan) waa hablo, waa dusgiyada sare waa 42 goobood.

Dugsiyada dhexe waxa ka qaybagalaya 11667 (tabaniyo kaw, lix boqol lixdan iyo todoba), 4086 waa hablo. Goobaha dugsiyada waa 98 goobood wadanka oodhan, hawl wadeennaduna waa 1263. Imtixaankana waxay ardaydu u fadhiisan doonaan bishan Juun 30-keeda” Ayay shirkeeda jaraa’id ku tidhi Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan.

Qurbejoog.com, Hargeisa

Comments are closed