|

Jamaal Cali Xuseen oo ku biiraya Xisbiga UCID

Hargeysa June 16,2012(SDN)-Aqoonyahanka reer Somaliland ee ugu cadcadaa loolanka musharxnimada madaxtinimo ee Somaliland ayaa lagu wadaa in uu dhawaan ku biiro xisbiga Mucaaridka ah ee UCID.

Sidaa waxa u xaqiijiyay somalidiasporanews.com/qurbejoog.com mid ka mida madaxda sare ee xisbigaasi oo ka gaabsaday in la shaaciyo magaciisa.

Sida ishaa warku ay noo xaqiijisay waxa haatan lagu gudo jiraa abaabulka kulanka iyo xaflada soo dhaweynta Jamaal Cali Xuseen.

Sidoo kale waxa maalmihii ina dhaafay o uu aqoonyahanku dalka ku soo noqday waxa la dareemayay dhaqdhaqaaq dheeri ah oo ay xarunta Xisbiga UCID ay ka wadeen taageereyaasha Jamaal Cali Xuseen.

Ku biirida Jamaal Cali Xuseen ee Xisbiga UCID waxa ay dardar gelin doontaa ololaha kala reebka axsaabta dalka.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed