|

Xukuumada Somaliland miyay aqbashay in Shabaab dhulkooda u Hayaameen?

Hargeysa June 17,2012(SDN)-Xukuumada Somaliland ayaa ka aamusan hadalo dhawaan ka soo yeedhayay dawlada KMG ah ee Soomaaliya oo sheegaya in ciidamo fara badan oo ka tirsan Shabaabkaay u hayaameen dhanka Somaliland.

Sheegashadan ayaa ku soo beegmeysa xili meliishaadka Shabaabka laga saaray inta badan degaanadii ay hore uga ariminayeen.

Xukuumada Somaliland ayaa dhana uga mashquulsan wadahadalo ay isu ababuleyso oo ay la gasho Soomaaliya,halaka DKMG ahi ay sheegeyso in ay Shabaabku ay u yaacen Somaliland.

Hadii sheegashadaasi wax ka jiraan waxa la gudboon sirdoonka iyo ciidamada Amaanku in ay warbixinada mujtamaca u soo gudbiyaan.

Sidoo kalena waa in ay qaadaan tilaabo amniga lagu sugayo oo looga hortagayo waxwalba oo khatar leh.

SDN-Hargeysa

contact@hotmail.com

Comments are closed