|

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Boobe Yusuf Ducaale oo Kacaankii ka dheereeyay

Hargeysa June 15,2012(SDN)-Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Md Boobe Yuusuf Ducaale ayaa dhawaan shir jaraaid oo uu xafiiskiisa ku qabtay waxa uu uga waramay hadalo dhawaan ka soo yeedhay raiisul Wasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Md Cabdiweli Gaas.

Wasiir Boobe oo ka jawaabayay hadal ahaa in Somaliland iyo Soomaaliya wadahadaladoodu ku saleysnaan doonaan sidii labada dhan mar kale u midoobi lahaayeen ayaa sheegay in arrinkaasi aanu waxba ka jirin.

Boobe Yuusuf ayaa dhawaan xilkan wasiirnimo loo magacaabay waxaanu hore uga mid ahaa xogagii xoreynta ee SNM isla markaana waa qoraa aad u taxliila Taariikhda.

Arrimahaas oo idil ayaa u muujinaya ka hadalka wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland in wasiirku uu Kacaanka ka dheereynayo.

Xukuumada Somaliland ayaa labo isugu jirta laba qeybood,waa midee waa qeybta sida muga leh ula socota xaaldaha dalka,halka inta kalena waa qaar kolba lala socodsiiyo wixii looga maarmi waayo(need to know).

Sababta wasiirada looga xanqarsado ayaan ku saleysneyn fahamkooda iyo garaadkooda toona ee waxa ay ku saleysan tahay uun sida ay ula jaanqaadi karaan damaca siyaasadeed ee madaxweyne Axmed Siilaanyo ee ku wejahan Soomaaliya.

Waxa hadalka wasiirka warfaafinta ee u jawaabayay raiisul wasaaraha Soomaaliya ka muuqda ifefaalo muujinaya in au madaxtooyada hadalkaa isku seegi doonaan,bacdamaa Hargeysi iminka toos ula hadashao Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee waxa dhici doonta in wasiirku is casilo dhawaan iyo in isku shaandheynta u horeysa aanu dhaafin.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed