Jaalliyada Somaliland ee dalka Maraykanka oo munaasibad ku qaabilay Wasiirka Caafimaadka
Washigton, 15, June 2012 (SDN) Jaaliyada Somaliland ee nawaaxiga Washington DC ayaa xalay casho sharaf u sameeyay Dr.Xuseen Muxumed Maxamed, Wasiirka Caafimaadka ee Somaliland.
Wasiirka caafimaadka Somaliland ayaa Jaalliyada Maraykanka ee Somaliland uga warramay guud ahaan xaaladda iyo horumarka uu dalku gaadhay, gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka.
Wasiirku wuxuu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay mashaariic tiro badan oo laga hirgeliyay waaxyaaha caafimaadka iyo cusbitaalada dalka.
Waxa kale, oo iyaguna halkaas ka hadlay Jaalliyada Somaliland ee dalka Maraykanka oo ammaan badan u jeediyay Wasiirka Caafimaadka Somaliland.
Qurbejoog.com, Washimgton