Waxa Shaleyto Subax lagu waaberiistay war ku saabsan in toogasho gaadmo ah loogu gaystay Gudoomiyihii Maxkamada Gobolka Hargeysa
Waxa Shaleyto Subax lagu waaberiistay war ku saabsan in toogasho gaadmo ah loogu gaystay Gudoomiyihii Maxkamada Gobolka Hargeysa C/rashiid Maxamed Duraan, ka dib markii isagoo masaajidka ka soo baxaya lala beegsaday Toogashadaasi.
Waxa ay hadaba is waydiin tu tahay
Ayaa ka danbeeya yaa Toogtay maxay ku timi maxay ku danbeyn :
Inkastoo qofka toogtay uu soo bixin doono oo la raad goobayo, yaase xambaaranaya masuuuliyadaa dhiirgelinta denbigaa iyo wadada uu inagu furay ee ah in sidii (Xamar) marba mid masaajid ka soo baxaya dhafoorka laga toogto; iyo xataa inay maxkamaduhu shaqayn waayaan inoo markii horeba ka sii cabaneyna ayaa hadan waxa ka soo muuqda in ay laabadaasina dami doonto oo Cabsi awgeed goaankoodu noqdo- Adna jidbaad leedahay, adna gar baad leedahay?
Hadaba Shacabow ma u muuqataa dadkan sheegta xildhibaanada iyo masuuliyiin u tafa xaytey in ay kiciyaan dad ma garati ah ee aad arkaso maalin walba warbaahinta la taagan- dacwadaasi waa GAR SIYAASADAYSAN, hebel baa loo jeedaa. Inkastoo anigu aanan odhan karin dacwad way khaldanayd, iyo way saxsanayd; hadana waxa muuqada wadan kii in ay ku lagu soo duuley waliba laynaga soo duuley gudeheena hadiiba aynaan sida ugu dagdaga badan laysga qabana waxa ay ku danbeyn meel aan hadhow laga soo celin karin waxaan leeyahay shacaboow waxaad eedeen waa codkiinii Ragii aad u doorateen in ay idiin dhowraan shuruuc diina ayaa waxa ay maalin kasta la soo taagan yihiin waxaa saa laynagu hayaa hadiiba ay nu nahay reer kaasa kooxdaasi gobalkaasi iyo wixii la mid ah waxaan leeyahay ragaasow hadii ay xukuumadu xuntahayna waa tii aad odhan jirteen uun hadii ay sidaas noqon waydo waa baxaynaa maantana sidii uun baad leediheen waxaan alla ka baryayaa in uu idin tuso wada saxda ah dadkii idin soo doortey walow hada aydaan kuraasta kuba fadhiyin sifo sharci ah hada waxaad isku daydaan in aad dadka dhortaan:
Oday Dhalin Ileeye la odhan jiray waxaa laga hayaa Wallee hadaan karintaa laga guurin inay goroyo heeryaysani inagaga soo degi!! Aniguna waxaan laayahay, wallee hadii ay joojiyin waayaan xubnaha baarlamaanka ee shaqadoodu tahay xeer dejinta, inay maalin walba TV-ga la soo istaagaan maxkamadaasi dacwad qaldan bay qaaday, in iyagana intay garsooreyaashu Golaha Baarlamaanka ugu soo galaan ay gacanta u taagi xeer cod loo qaadayo Waayo ay odhan KU QABSO KU QADI MAYSIDE, waa sida aad hada wadaan hadiiba ad tihiin Golihiinan Mulaaq dashintoow.
Waxa wax laga xishoodo ah oo layska dhowraa in nin masuul shaagtey inta uu TV, isa soo taago yidhaahdo waxa la qaadey waa cadaalad daro cidna waa loola jeedaa waxa ka haboon in uu wixii qaldan si asduran u saxaan cidan ay ku qaylinayaan waa cii ay shaleyto u qaylinayeene hadiiba ay si xi kari waayeen ayey sixi ee kale waxanu qaylo kabadane malaha kuwan waa laynagu soo sheedey ama waa laynoo soo marayaa oo waxa ay yihiin salaanba waa la garaneybee yaaaaaaaab markii aan daawaday rag masuuliyiin ah oo TV-ga ka leh dacwadaa hebel lagu qaaday waa gar eexo, oo siyaasadaysan, anigu waxaan is idhi odayaashu maalin walba dacwad baa la qaadaaye, malaha ma oga waxa maxkmada ka Socda ee ah in maalin kasta laga qaado dacwado badan mise talow waa si kale oo waxa ay uga faa iideysanayaan sife kale , malaha wiilal ama Gabdho ay wateen oo ay la rabeen Maareeyaha Kastamka ama Dekeda ama Madaarka, ama meel uun ayaa lagu soo celiyay dabeedna cadhadiiba halkaa la martay yaaaaaaab:
Waxaa kale oo ay inagu keeni doontaa in toogasho loogu hanjabo qof kasta oo go aan qaadan lahaa, sida garsooreyaasha, taliyeyaasha Booliiska, Gudiga Doorashooyinka, Gudiga Xisbiyada, Gudoomiyeyaasha gobolada, Maayarada. Dabeedna arrintu ay noqon nin walowba CARUURTAADA AFKA KU QAADO ilaa Dulcad iyo Daroor.
Hadii halkaa loo haajirona nina ma noqonayo Gudoomiyaha Gudiga XX, Maareeye, ee walaahi sidii shirkii Impeghati ayaa masuul kasta oo maanta magac weyn leh; marka uu jagada iyo haybadaa waayo, ay sidii ka-qayb galeyaashii shirkii Impeghati ay si loo garto jaraa idku ku soo hor qori- Hebel Hebel hebel- Raxanweyn, Eelaay (Yacni reerkiisa); oo dabeedna la waayi doono TV la soo fadhiisto, iyo is-fadhoocin dambe.
Mida kale runtii anigu marna maan taageerin mana taa geeri doono Xisbiga Kulmiye iyo Awaamiirtiise hadan waxaan ku Qasbanahay in aan inta ay Talada wadan ka hayaan Taageero mar hadii aan ahey Muwaadin lakiin waxa wax laga xishooda ah ama in maanta layska arko nin kii shaleyto lahaa waxaan sitaa qori hadii ay teyda noqon waydo waa lagu kala tagayaa ee Golaha dhaxdiisa la soo baxayay Baskooladaha ayaa maanta tan u sida ayaa ah wax yaab ah waya ay noqoneysaa in ay yihiin markastaba kuwo ku dheeraah ah wadan ka iyo shacab kii ay khiyaabada kaga soo dhac baxeen ok
Xukuumadana waxa laga sugayaa in ayna sida reer muqdisho iyo cadalada africa ee ah in marka sidan wax u dhacaan lays ku qaado dad shacab ah oon wax ba galab san ee waa in si ay dadka reer Somaliland u kala shakiyin si caadalad ah loo baadhaa cidkasta oo ku lug yeelatana aan la odhan waa hebel oo waa madax ama hebel ayey isku heb yihiine ee la mariyaa waajib kiisa shacab kana waxaan firayaa waa in aynaan raacin dadka sida xun u fikiraya ee aynu wada ilaashano dalkeena dadkeena iyo