|

Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibedda Somaliland oo xaalad caafimaad ka dib dalka ku soo laabtay: War-saxaafadeed

Hargeysa June 14,2012 Waxa dalka dib ugu soo noqday wasiirul Dawlaha Arrimaha dibeedda ee Jamhuuriyada SomalilandMd Maxamed Rashiid oo dalka in mudo ahba uga maqnaa arrimo Caafimaad,sidaana waxa lagu sheegay war saxaafadeed uu saxaafada u qeybiyay oo nuqul ka mid ahina ina soo gaadhay.

“Waxaan maanta oo bishu tahay 13-kii Juun, 2012 halkan idin ogeysiinaya

in aan Dalkaygii Hooyo ku soo laabtay anigoo in muddo ku maqnaa Dalka

Ingiriiska arrimo caafimaad awgood.

Waxa aan marka hore u mahadcelinayaa Ilaahay oo caafimaad I siiyay,

dibna iigu soo celiyay dalkii hooyo aniga oo caafimaad qaba.

Marka labaad waxa aan halkan uga dirayaa salaam iyo mahad-naq

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud

(Silaanyo) iyo Marwadiisa sidii ay iga warqabeen muddadii aan arrimo

caafimaad aan dalka dibeda ugu maqnaa.

Marka saddexaad, waxaan salaamaya una mahad celinaya dhammaan Ummadda

Reer Soomaliland wadanka gudihiisa iyo dibediisaba aniga oo ugu

mahadcelinaya ducadii iyo salaamihii faraha badnaa ee ay ii soo direen

oo (Alxamdu Lilaahi) Illahay ii aqbalay.

Ugu danbeyntii, waxaan u mahadnaqayaa Saxaafadda Reer Somaliland meel

kasta oo ay joogaan sidii ay xaaladayda uga warqabeen.”

Waad Mahadsan tihiin

Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xassan

  Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibeda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah

Comments are closed