Wasiirka Caddaalada oo difaacay eedaymo la xidhiidha inay Xukuumaddu faro-galin ku hayso Garsoorka
Hargeysa, 12, June (SDN)- Wasiirka Wasaaradda Caddaalada iyo Garsoorka Somaliland Xuseen Axmed Caydiid ayaa difaacay habka shaqo ee Garsoorka Somaliland, waxaanu sheegay inaanu gar siinayn dadka dhaliilaya garsoorka, isagoo xusay inay ahayd in masuuliyiintaas dhaliilayaa ay u maraan dariiq kale.
“Nimanka Garsoorka wax ka sheegaya runtii gar siin maayo, manay ahayn in ceebayn shaqsi waliba uu maqlayo in garsoorka loo jeediyo, taasina waxay keenaysaa in garsoorkii laga nashuushadeedyo dadka.” ayuu yidhi Wasiirka Caddaalada oo u waramayay Idaacada VOA.
Sidoo kale, waxa uu Wasiirku sheegay inaanay Xukuumaddu wax faro-galin ah ku hayn garsoorka dalka.
Dhinaca kale, waxa uu Wasiirku ka hadlay cunto joojin ay sameeyeen dhawaan maxaabiis Budhcad-baddeednimo u xidhan oo ku jira xabsiga dhexe ee Somaliland. “Maalin ama laba ayay yidhaahdeen cuntada ayaanu ka soomaynaa garna way u muuqan wayday, markii la wada hadlay ee la yidhi maanagaa halkan idin keenay, mise idinkaa dalbaday, mise waxa jira wax caalamku noogu kiin soo dhiibay oo la idin siinayo, taasina ay noqotay maya. Markii dambena way ku qanceen inay cuntada iska cunaan.” ayuu yidhi Wasiirku.
SDN, Hargeisa