Guddoomiyaha Maxkamadda Hargeysa oo dhaawac toogasho ka soo gaadhay loogu qaaday cusbatal dibadeed
Hargeysa 11, June 2012 (Qurbejoog.com)- Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Hargeysa Mr. Cabdirashiid Maxamed Durhaan, ayaa daawayn dibadeed loogu qaaday dalka Jabuuti, taasoo ka dambaysay markii ay dablay hubaysani subaxnimadii hore ee saaka toogteen.
Intii aan loo qaadin Jabuuti, waxa daawayn loo geeyay cusbatalka gaarka ah ee Gargaar ee magaalada Hargeysa, iyadoo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu barqonimadii maanta cusbatalkaas ku booqday.
Madaxweynuhu waxa uu muujiyay sida uu uga xun yahay falkaas foosha xun ee ragga hubaysani ku toogteen guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Hargeysa, kaasoo ay ku dhacday mid ka mid ah saddex xabadood oo sida la sheegay ay la beegsadeen, xilli uu ka soo baxay masaajid uu salaadii subax ku soo tukaday oo ku dhow gurigiisa oo ku yaala xaafadda New Hargeysa.
Inkastoo wasiirka Daakhiligu sheegay in dhaawaca gaadhay uu sahlan yahay, haddana xukuumadda Somaliland waxay si degdeg ah uga hawlgashay sidii daawayn ahaan loogu qaadi lahaa cusbatal ku yaala magaalada Jabuuti, halkaasoo uu galabta gaadhay.
Dhinaca kale, guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ahna guddoomiyaha guddiga Caddaalada Somaliland garyaqaan Yuusuf Ismaaciil Cali, ayaa sheegay in falkaasi aanu wax cabsi ah ku abuuri doonin bahda Garsoorka dalka. “Waxaanu cambaaraynaynaa falkii lagu dhaawacay guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Hargeysa Cabdirashiid Maxamed Durhaan oo loogu tallogalay in qudha lagaga jaro,” ayuu yidhi guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo u waramay VOA markii uu dhamaaday kulan degdeg ah oo ay yeesheen guddiga Caddaalada Somaliland oo lagu falanqaynayay falkaas foosha-xun ee la doonayay in lagu khaarajiyo guddoomiye Cabdirashiid Maxamed Durhaan.
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com