|

Masuuliyiinta Gobollada Awdal iyo Selal ee Xisbiga UDUB oo taageeray go’aankii Maxkamadda Sare ay ka gaadhay Xisbigaas

Borama, 11, June 2012 (SDN)- Masuuliyiinta Xisbiga mucaaradka ah ee UDUB ee Gobollada Awdal iyo Selal oo taageeray go’aankii maxkamadda sare ugu xukuntay Daahir Rayaale awoodda masuuliyadeed ee Xisbiga.
Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Gobolladaas ee Xisbiga UDUB Cabdicasiis Xuseen Raage ayaa u qornaa sedan:
“Anigoo ku hadalaaya magaca iyo masuuliyadda xisbiga udub ee gobolada Awdal/Selel, waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa warsaxaafadeedkani oo aan ku taageerayno xukunkii iyo go’aankii ay maxkammadda sare ee dastuurigu jsl ku soo afjartay29/05/2012 khilaafkii xisbiga Udub. khillaafkaasi oo bilow dhexmaray gudoomiye ku xigeenka- xisbiga- udub(MD Axmad Yusuf Yaasiin) oo xilligaa ahaa kusimaha gudoomiyaha iyo koox ka tirsan saraakiisha sarsare ee xisbigaudub, kuwaasoo ku andacoonaayay in gudoomiye ku xigeenku uu ka abraaray qaar ka mid ah Qodobada xeerka xisbiga ee lagu ansixiyay shirweynihii labaad xisbiga udub 2009, gaar ahaan qodobada habka, shuruudaha iyo cidda awoodda uu siinaayo wax ka bedelka xeerka soo xullista iyo kala saarista mushraxiinta xisbiga ugu qaybgeli doona tartanka doorashada madaxtooyada jsl ee 2015, balse markii dambe isku bedelay dacwad maxkammadeed. taasoo ay maxkammdu ka soo saaratay go’aamo waafaqsan dastuurka iyo xeerka xisbiga oo kama dambeys ah , sidoo kale Waxaan taageeraynaa go’aankii guddiga diiwaangelinta iyo ansixinta axsaabta qaranka ee 17/04/20. Go’aamadaasi oo aan u aragno inay wax ku ool yihiin oo ay wax badan ka tari doonaan xal u helida khilaafka xisbiga.
Waxaanan ayidaynaa hadalkii gudoomiyaha xisbiga udub mudane Daahir Rayaale uu ku aqbalay go’aamada maxkammadda sare iyo baaqii uu ugu fidiyay gudoomiye ku xigeenkiisa iyo inta sida gaarka ee ahaa inay hogaansamaan ku dhaqanka xeerka iyo qawaaniinta xisbiga, isla markaana ku qancaan go’aamada ay soo saareen hay’adaha sharcigu, maxkammda sare jsl iyo guddiga diiwaangelinta iyo ansixinta axsaaabta qaranka
Sidaa darteed, Waxaan ugu baaqaynaa gudoomiye ku xigeenka xisbiga udub(MD Axmad Yusuf Yaasiin) iyo kooxdiisu inay ku qancaan go’aamada maxkammada sare ka soo baxay siduu horeyba ugu ballanqaaday gudoomiye ku xigeenka xisbiga mar uu wareysi siiyay saxaafadda ka hor intaanay maxkammadu ku dhawaaqin go’aamadeeda ka dambeysta ah, waana mida kaliya ee ay shacbiga reer soomaaliland gaar ahaan taageerayaasha xisbiga udub ku ogaan karaan tixgelinta aad u haysaa intaay le’eg tahay,sababta oo ah shalay adigaa u baahnaa xisbiga iyo taageerada shacbiga, maantana waxa u baahan xisbiga shacabkii inna taageeri jiray,waqtigooda inoo huray,inoo guureyn jiray ee saacadaha badan qoraxda inoo taagnaa si ay codkooda inoo siiyaan,sidaadarteed, waxaan marlabaad kuugu baaqaynaa inaad aqbasho go’aamada maxkammada.”

Gudoomiyaha Xisbiga UDUB Gobolada Awdal/Selel
Cabdulcasiis Xuseen Raage
SDN, Borama

Comments are closed