|

Xukuumadda oo aan si adag uga hadal falkii lagu dhaawacay Guddoomiyaha Maxkamadda Hargeysa iyo Guddoonka Maxkamadda sare oo cambaareeyay

Hargeysa, 11, June 2012 (SDN)- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur), ayaa ka hadlay falkii ay dablayda hubaysani saaka ku dhaawaceen Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Maroodi jeex Cabdirashiid Durraan.
Wasiirka Arrimaha Guduhu,waxa uu sheegay in Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex Rashiid Durraan, Laba nin oo hubaysani ay soo weerareen waaberigii saaka ka dibna ay toogteen dhaawacna ay u gaysteen.
Wasiirka ayaa falkan uga hadlay qaab ay ka muuqato inaan la aqoonsan Karin dadka falkan gaystay. Sidoo kale Wasiirku wuxuu ka gaabsaday inay cid u hayaan tuhunka falkan.
Dhinaca Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Yuusuf Ismaaciil Cali, ahna Guddoomiyaha Guddida Caddaalada ayaa sheegay inay falkan cambaaraynayaan, isla markaana aanay waxba u dhimi doonin shaqada ay ummada u hayaan. Sidoo kale, waxa uu sheegay Guddoomiyihii in ciddii falkan loo soo qabtaa ay heli doonaan caddaalad rasmi ah.
SDN, Hargeysa

Comments are closed