|

War deg deg ah: Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo koox hubaysani saaka dhaawacday

Hargeysa, 11, June 2012 (SDN)- guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Cabdirashiid Duraan ayaa saaka subaxdii hore lagu dhaawacay agagaarka gurigiisa oo ku yaalla xaafadda New Hargeysa.
Guddoomiyaha oo xilligaas ka soo baxay salaadii subax ayay koox aan haybtooda la garanaynin ay rasaas ku dhaawaceen, taasoo sida wararku sheegayaan in Guddoomiyaha dhaawaciisa la geeyay Cusbitaalka gaarka ah ee Gargaar ee magaalada Hargeysa.
Dadkan dhaawaca u gaystay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa ilaa hadda la garanayn cidda ay yihiin iyo sababta keentay xilligan in weerar lagu soo qaado Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex.
Waa markii ugu horeysay ee fal noocan oo kale ah lagula kaco masuul ka tirsan hay’adaha Garsoorka dalka, marka laga reebo falal lagu khaarajin jiray masuuliyiinta heer gobol ee Gobolka Sool.
La soco wixii warar ka soo kordha dhacdadan.
SDN, Hargeysa.

Comments are closed