|

Booqashada Ambassador Carson iyo Hanjebaadiisa Sideey u saameyn Kartaa Dhinacyada Siyaasada Soomaalida oo Somalilandna ay ku Jirto

Nairobi June 11,2012(SDN)-Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha Dibedda ee dalaka Mareykanka Johnnie Carson ayaa booqasho maanta uu ku tegay Muqdisho ka dib waxa uu ka arramay siyaasadaha dalka Mareykanka ee ku wejahan Soomaaliya.

Carson waxa safarkiisu uu ahaa kii u horeeyay ee noociisa ah ee mudo uu ku tago masuul sare oo Mareykana.

Waxaana Safarka loo aaneeyay guulaha ciidamada AMISOM ka soo hooyeen dagaaladii ay dhawaanta la galeen kooxda Al Shabaab.

Johhie Carson ayaa mar uu saxaafada kula hadlay Nairobi waxa uu sheegay in cidii ka hortimaada hanaanka reer Galbeedku dabada ka wadaan ee Road-Mapka loo yaqaan in tilaabo laga qaadayo.

“Kuwa ka horyimaada hanaanka waxaanu ka qaadi doonaa tilaabooyin isugu jira xanibaad lagu sameeyo hantidooda iyo dal ku-galada oo la iska hortaago”.ayuu yidhi Carson.

Ta la yaabka lehise waxa ay noqotay kolkuu Carson sheegay in cid walba oo ka hortimaada Road-Mapka hadii ay tahay kuwa ka tirsan TFGda iyo kuwa kaleba la ciqaabi doono.

Hadaba arrinkan ayaa xeeldheereyaal fara badani u fasirteen in hanjebaadaasi u dheceysay nidaamyada haatan xiriirka dhaw la leh Mareykanka.

Khaasatan Somaliland oo in muda ah ku celcelineysay in aanu Road-Mapku Khuseyn.

Waxaana ay Xeel-dheereyaashu shaki ka muujiyeen aamusnaanta xukuumada Somaliland ee ku wejahan hanjebaadaha soo noqnoqday ee ku wejahan cida ka hor timaada Road-Mapka.

SDN-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed