Wasiirrada Khaarajiga iyo Madaxtooyada oo ka warramay natiijada socdaal ay ku tageen Kenya
Hargeysa, 10, June 2012 (SDN)- Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibada Dr. Maxamed Claahi Cumar iyo Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii ay soo dhamaysteen booqasho ay ku tageen dalka Kenya.
Labadan Wasiir oo ka soo degay madaarka magaalada Berbera shalay ayaa hadal kooban oo ay qolka nasashada ee madaarka ku siiyeen warbaahinta waxay ku sheegeen in socdaalkoodaasi uu guul iyo is afgarad ku soo dhamaaday.
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada ee Somaliland Dr. Maxamed Claahi Cumar ayaa sheegay in booqashada ay ku tageen dalka Kenya ay la xidhiidhay marti qaad ay ka heleen madaxda sar sare ee wadanka Kenya, isla markaana ay gogol xaadh u soo samaynayeen socdaal uu Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo ku tagi doono dalka Kenya kadib markii uu marti qaad u fidiyay Ra’isal Wasaaraha Wadanka Kenya Md.Railla odinga.
Wasiirku wuxuu tilmaamay in mudadii ay dalkaasi joogeen ay kulamo kala duwan la yeesheen Ra’isal Wasaaraha Kenya oo uu xusay inay ka wada hadleen arrimo badan oo taabanaya cilaaqaadka dhaqan dhaqaale ee labada wadan iyo sidii ay isugu diyaarin lahaayeen safarka uu Madaxweynaha Somaliland ku tagi doono Kenya.
SDN, Hargeisa