|

SHIRKII ISTAMBUUL QAYBT 3AAD IYO QAYBTA 4AAD

Waxaan weli ku jiraa qodobadii ka soo baxay shirkii Istambuul loogu qabtay Soomalida farqadiisa Siyaasadda. Sida aad garan kartaan siyaasadu waa tabta iyo xeesha ay tahay in la adeegsado si lagu gaado yoolka loo socdo. Marka qodobada Siyaasadda waxaa laga dheehan karaa siyaasadda ay beesha caalamka doonayso in ay Soomaaliya uga gaadho danta ay ka lee dahay, laakiin siyaasadaasi ma ah mid ay Soomaalidu samaysatay oo ay iyagu doonayaan in ay ku gaadhaan yoolka ay Soomaalida la doonayaan in ay ku gaadhaan. Halkaas waxaa ka cad  in siyaasadda ku socota Soomaaliya aanay ahayn mid Soomaalidu waddo ee ay tahay mid ay Itoobiya uga xoog badan tahay.

Qodobka ka midka ah qodobada Siyaasadda ee aan maanta doonayo in aad diiradda saaro waa qodobka 7aad oo dhigan sidatan.

7. The Conference welcomed the intention that the Constituent Assembly adopts the provisional

    constitution of Somalia. It highlighted the importance of Somali ownership of the constitution

through a public debate and future adoption through a referendum. The Conference also

commended the ongoing public consultations and civic education process in order to allow the

Somali people to have their voices heard and participate in the political process. The Conference

urged the Roadmap signatories to expand this effort to include newly recovered areas.

 

Wuxuu shirku soo dhoweynayaa in ay gudiga loo xolo in ay soo xolaan xubnaha baarlamaanku ay ansixin doonaan dastuurka ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya. Waxay hoosta ka xariiqeen in ay dastuurka hadda lagu ansixiyo in dadka ka wada doodo ka dibna afti loo qaado markii la gaadho goorteeda. Wuxuu kale oo shirku ammaanay wada tashiyada hadda socda iyo habka dadka loogu soo celinayo dhaqankii magaalo joognimada si dadka Soomaalida ah codkooda loo maqlo ayna geedi socodka siayaasadda uga qayb galaan. Wuxuu shirku ka codsaday saxiixayaashii Roadmapka in ay arrinka ku fidiyaan dhulalka laga qabsado Shabaabta.

Qodobada ay ku soo qaateen halkan sida aad aragtaan waa ansixinta dastuurka, marka haddii aan idin xasuusiyo dastuur in lagu dhaqmo waa arrin diinta Islaamka ka soo horjeedda oo shirki iyo gaalnimo aan toobad lahayn salka ku haysa. In uu adduunka oo dhammi isu bahaysto Soomaaliya dastuurkeeda oo muhimad intaas le’eg la saaro waxay muujinaysaa danta laga lee yahay weynaanteeda. In ummad diinta laga saarana wax gaalo uga weyni ma jirto, Allaha ay run oo dhammi ka isaga ka soo jeeddo ayaana sidaas kitaabkiisa kariimka ah    الْحَقُّ مِنْ رَبِّكَ فَلَا تَكُونَنَّ مِنَ الْمُمْتَرِينَ(البقرة 147).

Aayadda uu Alle noogu sheegayo in gaalo ay doonayaan in la wada gaaloobo waa middan aan hoos ku soo qaatay.

وَدُّوا لَوْ تَكْفُرُونَ كَمَا كَفَرُوا فَتَكُونُونَ سَوَاءً فَلَا تَتَّخِذُوا مِنْهُمْ أَوْلِيَاءَ حَتَّى يُهَاجِرُوا فِي سَبِيلِ اللَّهِ فَإِنْ تَوَلَّوْا فَخُذُوهُمْ وَاقْتُلُوهُمْ حَيْثُ وَجَدْتُمُوهُمْ وَلَا تَتَّخِذُوا مِنْهُمْ وَلِيًّا وَلَا نَصِيرًا(النساء 89).

Wax kale ma doonayaan in aad sidooda oo kale gaalawdaan mooyee ee ruux iyaga ka mid ah ha soo dhoweysnina in ay sidiinna oo kale Alle dartiis u soo qaxaan mooyee, marka haddii ay diidaan in ay soo qaxaan gacan kulul ku qabta oo ku laaya meel alla meeshii aad ku argtaan kaalmo iyo hiillo toonana ha ka doonina.

Waxaan jeclahay in aan wax kasta ku beego xog warrankii uu Alle noogu soo dhiibay rasuulkiisa scw waayo waa waxa runta ah ee jira wixii kale oo dhammi waa been aan raad lahayn. Dad badan ayaa igu canaanta tin aan diinta ku gabanayo laakiin waxaan lee yahay kuwaasi waa kuwo in ay diinta dagaal kula jiraan aan is ogayn diinta iyo Alle mooyee wax kale oo adduunkan lagu qiimeeyaa ma jiraan. Waxay doonayaan inta ay hadalkii iyo waanadii Alle na siiyey ay tuuraan in ay fikirkooda kaaga dhigaan midka xaqa ah.

Sidaas darteed wuxuu adduunku ugu daba faylay dastuurka Soomaalida waxay doonayaan in ay Alle iyo ummadda islaamka kala geeyaan oo ay na gaaleeyaan sidooda oo kale. Sidaas darteed ruux kasta oo ka qayb qaata qorista, ka dhaadhicinta dadka iyo ansixintiisa dhammaan waxaan hubaa in ay ku socdaan jidkii Alle naga xaaraantimeeyey ee uu dhahay shaydaanka ha raacina waayo wixii aan Alle ahayniba waa shaydaan.

Ugu horrayn waxaan ka soo hor jeedaa dastuur in lagu dhaqmo oo sida Alle noo sheegay ah mushriknimo iyo gaalnimo, waxayna doonayaan in ay gacantooda ku hubiyaan gaalnimada.

IN DASTUUR AAN AHAYN KII ALLE ADDOOMADIISA UGU TALADAY GALAY LAGU DHAQMAA WAA MUSHRIGNIMO, GAALNIMO IYO FAASUQNIMO OO AH QOFKA XADKII ALLE KA BAXAY.

Waxaa sidaas Alle noogu sheegay saddexda aayadood ee caanka ah ee ku jira suuradda Al-Anfaal oo kala ah aayadaha 44, 45 iyo 47.

Waxaa kale oo la yaab ah in at doonayo in dastuurka lagu ansixiyo 10 maalmood oo keliya ilaa iyo haddana sir qarsoodi ah sidaasna waxay u yeelayaan si aan loo sii ogaannin dhaliilaadkiisa oo loo diidin. Waxay kale oo lee yihiin dood furan ha lagu ansixiyo marka hore, wax hadda qarsoon oo dadka laga qarinayo 10 maalmoodna la doonayo in lagu ansixiyo isma qabato sidaas darteed waxay diyaarsadeen dad iyada oo aan laga doodin saxabka u tuma oo dhaha waa la ansixiyey.

Sidaas darteed waxaas oo dhammi waxay isku dhalayaan in dhagar naloo maleegayo, shirka lagu qabanayo Turkigana naloo tusayo in shirku culus yahay oo la doonayo in Soomaaliya wax loo qabto. Hase yeeshee dadku awood ma u lee yihiin in ay wax u qabtaan Soomaaliya waa mayaز

قُلْ لَنْ يُصِيبَنَا إِلَّا مَا كَتَبَ اللَّهُ لَنَا هُوَ مَوْلَانَا وَعَلَى اللَّهِ فَلْيَتَوَكَّلِ الْمُؤْمِنُونَ(البوبة 51).

Sida ka muuqata aayaddan wuxuu Alle na farayaa in aynu u sheegno gaalada in wax uusan Alle nala maagini nagu dhacayn isaga ayaana noo ah madax ee dadka mu’miniinta ahi ha ku kalsoonaadeen. Qofka ay la tahay in aadami cadaab uu ku jiro ka waari karaan waa gaaloobay, sidaas darteed intii safarka ugu baxday in ay la shiraan gaalo iska dhigaysa in ay Soomaaliya wax siin karaan ama wax u qaban karaan waxaan lee yahay ha toobad keenaan. Mana aha in ruux muslim ahi uu rumeeyo in nabad iyo barwaaqo ruux aadami ahi u hayo, ciddii wanaag adduunyo iyo mid aakhiro rabtaana waa in ay Alle u hoggaansamaan.

Waxay isku magacaabeen deeq bixiyeyaal magacaas ayaaba ah xaaraan oo macnihiisu yahay Alle sheegasho ninkii dhaha deeq bixiyeyaalna waa hadal gaalinimo huwan waxayna la mid tahay isaga oo ku sheega Ilaahayo waayo Alle ayaa deeqda bixiya. Wuxuu Alle aayaddan noogu sheegayaa in ay deeqda bixiyaan iska dhaafe haddii ay iyagu hayn lahaayeen deeqda Alle oo dhan qof keliya afkaas uma saareen

أَمْ لَهُمْ نَصِيبٌ مِنَ الْمُلْكِ فَإِذًا لَا يُؤْتُونَ النَّاسَ نَقِيرًا(النساء 53).

Marka sidee ugu magacaabaysaa deeq bixiyeyaal iyagu isku magacaabeen iyaga oo doonaya in ay diinta ku dhaamaan. In lagu magacaabo iska dhaafe in wax loo doonto ayaa xaaraan ah.

Waxaa kale oo qodobka 7aad lagu xusay in wada tashigu si fiican u socdo ayna tahay la sii wado si cabashada qofka Soomaaliga ah loo maqlo. Su’aashu waxay tahay yaa la maqasiinayaa codka Soomaalida? Waxaa ila habboon in ciddii dhibaatada ummadda Soomaaliyeed haysata wax ka qaban karta oo keliya in la maqashiiyo codka, laakiin ruux in uu cid wax u qabto iska dhaafe aan isagu naftiisa waxba u tari karin in aad u malayso in uu wax kuu qaban karo waa iimaan xumada uu darteed Islaamka u rogmanayo.

Waxaan idin xasuusinayaa hadalkii uu nebi Ibraahiim ku dhahay aabihiis ee ahaa ma waxaad caabudaysaan wax aan waxna idiin dhimi karin waxna idin tari karin. Gaalada isu bixisay deeq bixiyeyaal waa qaldan yihiin innaguna in aynu ka siii daba qaldanno ma aha oo ugu yeedhno deeq bixiyeyaal. Deeq iska dhaafe waxyaabaha ay bixiyaan sadaqo ma aha.

Wuxuu kale oo shirkii Istambuul ay gaaladu ka codsadeen in gaalnimada lagu fidiyo dhulka Shabaabta laga qabsado.

Haddii aan soo koobo qodobkan 7aad oo ka midka ah 40kii qodob ee ka soo baxay shirkii Istambuul si toos ah ayuu uga soo hor jeedaa diinta Islaamka sidii qodobadii aan maqaaladaydii hore uga hadlay oo kale. Marka ummadda Soomaaliyeed ma waxay diyaar u tahay in maan gaab caadaqaate ah oo Alle nooga digay in aynaan aayadihiisa ku gadan dhuuni yar oo aan meel nala gaadhayn.

QODOBKAN WUXUU SALKA KU HAYAA GAALNIMO IYO SHIRKI WAXAANNA UMAMDDA SOOMAALIYEED UGA DIGAYAA IN AY WAX TAAGEERO AH SIIYAAN. MA AHA QODOBKAN OO KELIYA LAAKIIN WAXA SOCDA EE AY GAALADA IYO MUNAAFAQIINTU HOR BOODAYAAN OO DHAN AYAA XAARAAN AH UNA BAAHAN IN LAGA KALA DAREERO.

QAYBTA 4AAD

Waxaa noo socday faaladii aan ka dhiibayey qodobadii loo bogay ee ka soo baxay shirkii ay gaaladu ugu tashanaysay sidii Soomaalida loo gaalayn lahaa. Qybtii 3aad waxaan uga soo hadlay qodobka 7aad hase yeeshee wuu igu dheeraaday oo ma dhammaystirin sidaas darteed wax yar ayaan isagii dib u eegayaa gaar ahaan labad jumladood ee ugu dambeeya oo kala ah sidatan.

The Conference also commended the ongoing public consultations and civic education process in order to allow the Somali people to have their voices heard and participate in the political process. The Conference urged the Roadmap signatories to expand this effort to include newly recovered areas.

 

Sida aad aragteen hadalkaygu wuxuu ku salaysan yahay aragtida ay diinta Islaamka ee aynu ku abtirsannaa ka qabta waxyaabaha adduunka ka dhacaya. Waxaan aad uga xumahay dad doonaya in ay sheegaan run uusan Alle sheegin. Adduunku waa run iyo been runtu waa wixii Alle ka sugnaaday beentuna waa wixii shaydaan ka sugnaaday shaydaanna waa wixi Alle ka soo hadha.

 

Marka ruuxii ka heli waaya aragtida ay diintu ka qabto ama aan doonayn in uu ogaado yuusan akhrin maqaladayda.

 

Meesha ay gaaladu lee yihiin in oder to allow the Somali to have their voices heard –si dadka Soomaalida ah loogu suurto geliyo in wixii ay tabanayaan sheegtaan. Waxay su’aashu tahay waa ayo cidda ay tahay in dulmiga lagugu hayo in aad u sheegto ma beesha Caalamkaa mase waa Alle? Qofka hadalkaas u riyaaqayaa wuxuu u riyaaqay hadal gaalnimo ah كَلِمَةَ الْكُفْرِ. Waxaan maqaalkii kan ka horreeyey uga hadlay ereyga deeq bixiyeyaasha iyana waa hadal gaalnimo huwan nin islaam ahina in uu dad aadami ah u aqoonsado in ay yihiin deeq bixiyeyaal waa xaaraan, waayo Alle oo keliya ayaa ah deeq bixiye.قُلْ لَوْ أَنْتُمْ تَمْلِكُونَ خَزَائِنَ رَحْمَةِ رَبِّي إِذًا لَأَمْسَكْتُمْ خَشْيَةَ الْإِنْفَاقِ وَكَانَ الْإِنْسَانُ قَتُورًا(الإسراء 100). . sidaas darteed waxaa muuqata in gaaladu ay xoogga saarayso in ay dhaqanka Islaamka naga tirtiraan maskaxdana naga geliyaan waxyaabo ku hadalkooda gaalnimo tahay.

 

Iyada oo kooban qodobka 7aad wuxuu ka soo hor jeedaa diinta Islaamka mana aha in laga yeelo gaalada haddii ay dacar ka qadhaadhanayso.

 

 

QODOBKA 8AAD.

 

8. The Conference expressed the firm expectation that the selection process of the leaner and more

    representative Federal Parliament is completed in a fair and transparent way without any hindrance

and that the elections for the positions of Speaker (and Deputies), and President by the new

Parliament are carried out smoothly by 20 August 2012.

 

Shirku wuxuu aad u quuddaraynayaa in habka baarlamaanka loo xulayo uu ku dhammaado si cadaalad ah oo furan iyada oo laga ilaalinayo in dib u dhac lagu sameeyo, isla mar ahaantaasna doorashada gudoomiyaha baarlamaanka, ku xigeenadiisa iyo madaxweynaha baarlamaanka cusub uu u dhaco si wanaagsan maalinka 20 Ogost 2012.

 

Aynu si caqliyeysan u eegno qodobka dulucdiisa, waxaa la dhahay waa in baarlamaanka lagu soo doorto 5 maalmood gudahood, wuxuu baarlamaanka lagu soo xulayaa 4.5 iyada oo 30% haween yahay. Marka waxaan u arkaa in aanay suurto gal ahayn in lagu soo xulo baarlamaan dayo leh mudadaas sidaas darteed waxaan shaki ku jirin in ay arrinka dhagari ku jirto taas oo noqon karta in dad diyaar u ah ooh horay loo sii diyaarsaday la magacawdo.

 

Taasi waa markii aan ka eego xagga caqliyada gaalada ee diinta Islaamka ka fog, haddiise aan ka eego waxa ay diinta Islaamku qabto. Waxaan shaki lahayn in diintu ka qabto in dastuur oo dhammi yahay xaaraan haddii uusan ahayn shareecada Islaamka. Baarlamaankuna waa kooxda sharci dejinta, cid xaq u leh sharci in ay dejiso ma jirto aan Alle ka ahayn, wixii uu doono ayuuna sharciyeeyaa.

 

Haddii aad adduunka eegtaan wuxuu ka kooban yahay noole iyo ma noole wax kasta ha ahaado maaddo ama tamar dhammaan waxay ku socdaan abuuraha habka iyo nidaamka uu u dejiyey cid kale oo hab iyo nidaam ka duwan u dejin kartaana ma jirto. Haddii ay gaalada gaarmurtay maanta dhahaan sharci iyo nidaam ayaanu u dejinaynaa ma noolaha iyo noolaha kala ee aan aadamiga ahayn waa lagu qosli lahaa waxaana lagu xukumi lahaa in ay waalan yihiin waayo ma u dejin karaan.

 

Haddii aan idiin soo qaado dooddii Fircoonka iyo nebi Ibraahiim dhex martay ee ku saabsanayd caqliyeynta cilmiga. Markii uu Ibraahim yidhi Eebahay waa kan waxn nooleeya waxna dhinsiiya ayuu Fircoonkii dhahay aniguba waxna waa nooleeyaa waxna waan dhinsiiyaa. Makraas ayuu nebigu ku dhahay Ilaahay qorraxda wuxuu ka soo saaray bari bogoxna waa u riday ee adiga bogox ka soo saar barinna u rid. Markaas ayuu Fircoonkii xujo xidhmay wax uu sheegana garan waayey. Sidaas ayaanay u suurto gal ahayn in aadamigu sharci u dejiyo wax ka mid ah abuurka. Aayadaha sheekadaas Alle noogu soo gudbiyey waa kuwan:

أَلَمْ تَرَ إِلَى الَّذِي حَاجَّ إِبْرَاهِيمَ فِي رَبِّهِ أَنْ ءَاتَاهُ اللَّهُ الْمُلْكَ إِذْ قَالَ إِبْرَاهِيمُ رَبِّيَ الَّذِي يُحْيِي وَيُمِيتُ قَالَ أَنَا أُحْيِي وَأُمِيتُ قَالَ إِبْرَاهِيمُ فَإِنَّ اللَّهَ يَأْتِي بِالشَّمْسِ مِنَ الْمَشْرِقِ فَأْتِ بِهَا مِنَ الْمَغْرِبِ فَبُهِتَ الَّذِي كَفَرَ وَاللَّهُ لَا يَهْدِي الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ(البقرة 258).

Sida ka muuqata aayaddani waa dood cilmiyeed dhex martay Fircoon iyo nebi waxaana ku adkaaday nebigii sidaas oo kale ayaa loo doonayaa in gaalada meeshii laga raaci lahaa dhaqankooda qaldan ee ay u malaynayaan in ay ku saxsan yihiin lala galo dood cilmiyeed waxaanna hubaa in ay guushu raaci doonto kuwa xaqa rumaysan.

 

Sidaas oo ay tahay qodobka 8aad waa amar Soomaalida la siinayo in aanay isku deyin in ay wax ka beddelaan qorshihii Roadmapka, waxaana ku duugan hanjabaad in ciddii isku dayda in ay wax ka beddesho tallaabo laga qaadi doono. Adduunka horay uma soo marin in dad xor ah sidaas oo kale loola hadlo.

Qorshaha gaaladu wadato cid wax ka beddeli kartaa ma jirto waana ku amran nahay hase yeeshee haddii sida ay wax u dhigeen wax u dhici waayaan yaa qiyaasi kara waxa ka soo bixi doona gaalada. Haddii aan anigu qiyaaso waxaa dhici doonta in aan dib la isugu gabban ee Soomaalida xoriyadeedii Alle siiyey laga qaadi doono. Haddaba su’aashu ma ka dhiidhiyi doonaan arrinkaas? Jawaabta aan u hayaa waa maya oo haddaba xornimadoodii waa la laalay waxayna isu qabaan in ay xor yihiin.

Waxaa magacyada Alle ka mid ah الوهاب oo uu macnaheedu yahay deeq bixiye, marka haddii aad qof aadami ah ugu yeerto deeq bixiye waxay la mid tahay adiga oo ugu yeedhay الوهاب taas oo ah gaalnimo cad mana aha in aad ruux aadami ah loogu yeedho in uu yahay Ilaaha dadka quudiya. Marka waxaan arkaa dad muslimiin ah oo gaaladii la dhahay ka fogaada way idin gaalaynayaane hoosta soo gashaday oo si doqoni ma garto ah u gaaleeyey.

يَاأَيُّهَا الَّذِينَ ءَامَنُوا لَا تَتَّخِذُوا الْيَهُودَ وَالنَّصَارَى أَوْلِيَاءَ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاءُ بَعْضٍ وَمَنْ يَتَوَلَّهُمْ مِنْكُمْ فَإِنَّهُ مِنْهُمْ إِنَّ اللَّهَ لَا يَهْدِي الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ(المائدة 51).

DARDAARAN.

Ummadda Islaamka ahi gaar ahaan Soomaalidu waa in ay wax kasta oo la soo hor dhigo ay ku beegaan diintooda xumaha oo dhan ka hufan ee Islaamka ah. Walaalayaal ma garan kari weydeen in IGAD, AU, EU, UN iyo caalamka gaalada ah oo dhan ay uga  tolan tahay in ay Soomaaliya u sameeyaan diint cusub iyo dastuur. Walaalayaal sharciga ay ummadi ku dhaqanto ayaa u ah diin, dastuurka daaquudka ahi waa sharci shaydaan ee diida diida diida hana qaadanina haddii ay dacar ka qadhaadhaanayso in aad tuurtaan diintiinnii Islaamka ahayd.

ILAAHAW MARAG IIGA NOQO IN AAN GAADHSIIYEY UMMADDA SOOMAALIYEED. ILAAHAW DARDAARANKAYGAN KA DHIG MID ISLAAMKA OO DHAN GAADHA ADIGA AYAA ISKA LEH AWOODAAS EH.

 

 

OMER SULEIMAN ALI               

 

 

OMER SULEIMAN ALI

Comments are closed