Madaxweynaha Awdel State oo u Waramay Jariirada Ottawa Citizen iyo Jawaabtii Safiirka Somaliland ee Canada
Ottawa June 10,2012(SDN)-Jariirada Ottawa Citizen oo ka soo baxda caasimada Canada ayaa waxa ay daabacadeedii shalay waxa ay ku baahisay wareysiyo ay la kala yeelatay Safiirka Somaliland ee dalkan Canada Marwo Luul Ismaciil iyo madaxweynaha Awdel State Rashiid Nuur.
Madaxweynaha Awdal State Rashiid Nur oo u shaqeeya isla jariirada oo uu xayeysiisyada dhexdhigo,ayaa sharaxaad ka bixiyay sababihii ay ugu dhawaaqeen.
Rashiid waxa uu sheegay in dadka reer Awdal ay cadaadis ku hayso dawlada Somaliland ayna haatan gacanta ku hayaan nidaam ay gobolkaas ugu sameynayaan maamul.
Rashiid Nuur waxa uu sheegay in Awdal State haatan leedahay hanaan dawladeed oo u taagan in Soomaaliya ay ka mid noqdaan.
Jariirada Ottawa Citizen ayaa sidoo kale wareysatay safiirka Canada Marwo Luula Ismaciil oo sheegtay in sheegashada Rashiid iyo taageereyaashiisu aaney waxba ka jirin.
“Somaliland waxa iminka uun xilka madaxweynenimada kadegay masuul ka soo jeeda gobolka Awdal”.ayay tidhi Marwo Luula.
Marwada ayaa sheegatay in kolkii uu xilka si dimuqraadiyada ah xilkii ku waayay madaxweyne Riyaale ma aha in la yidhaa maamul ayaanu sameysaneynaa.
Luula oo hadalkeedii sii wadatana waxa ay sheegtay in gobolka Awdal uu ka mid yahay Somaliland isla markaana hadii tabasho ay jirto ay tahay in wadahadal lagu dhameeyo.
Magaalada Ottawa oo ay ku baden yihiin qurbejooga reer Awdal ayaa waxa ka jira isku eri u dhexeeya reer Somaliland iyo inta wada fikirka Awdal State.
SDN-Ottawa