|

Wasiirka Amniga Canada oo la kulamay Bulshada Soomaaliyeed ee Toronto

Toronto June10,2012(SDN)-Wasiirka Amniga ee dalkan Canada Vic Toews ayaa kulan la qaatay qaar ka mida bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Toronto ee dalka Canada.

Wasiirka ayaa ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo kulanka uu la yeeshay Soomaalida waxa uu daaranaa.

Balse afhayeen u hadlay wasaarada Amniga Canada ayaa sheegay in kulanku uu ka mid ahaa uun kulamada wasiirku uu la yeesho bulshooyinka kala duwan ee dalkan Canada ku nool.

Kulanka Wasiirku la yeeshay Soomaalida ayaa yimi maalmo uun ka dib kolkii dhawaan Toronto dil fool xun loogu geystay wiil Soomaali ah

Sheekh Siciid Raage oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee Magaalada Toronto oo ka qeyb galay ayaa sheegay in kulanku ahaa mid hore u qorsheysnaa.

Sheekhu waxa kale oo uu sheegay in loo baahan yahay in dawladu hirgeliso mashaariic dhalinta looga duwo maandooriyeyaasha iyo fal denbiyeedyada.

Si kastaba ha ahaatee kulnkan ayaa muujinaya in dawlada Canada ka walaacsan tahay habdhaqanka dhalaanka Soomaaliyeed.

Hadii ay noqoto dhalinta Jihaadka doonka ah ee dalkii tagta iyo kuwa isku laaya ka macaashka maandooriyaha.

SDN-Toronto

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed