Kal-fadhigii 18aad ee Wakiillada Somaliland oo maanta dirqi ku furmay iyo qodobada ajanduhu ka kooban yahay
Hargeysa, 09, June 2012 (SDN)- Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa fadhigoodii manta loogu qaybiyay ajandaha kal-fadhiga 18aad ee Golahaas.
Golaha Wakiillada oo muddo bil ah u hadhay muddo xilleedkoodii ayaa saddexdii bilood ee u dambeeyay ka mashquulay kal-dhiyadoodii caadiga ahaa.
Fadhigan manta oo dirqi ku furmay waxa shirguddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax.
Qodobada uu ajanduhu ka kooban yahay.
1- warbixinta Shirguddoonka, Guddida Joogtada iyo Guddiyada Golaha.
2- Mashaariicda sharci ee Golaha horyaal
a- Xeerka Fayo-dhawrka Hilibka
b- Xeerka Nabadgelyada Wadooyinka
c- Xeerka Aasaaska Guddida Maamul Wanaaga iyo La-dagaalanka Musuqa.
d- Xeerka Baanka Islaamka.
e- Xisaab-xidhka Dawladda 2008, 2009, 2010
f- Xeerka Statistics Law.
g- Wax-kabadalka iyo kaabista Xeer-hoosaadka.
3- U yeedhista Masuuliyiinta Qaranka
4- Ansixinta Masuuliyiinta Qaranka.
SDN, Hargeisa