Waabeeye oo Xildhibaanada Kulmiye ee Xukuumadda Dhaliilay ugu Hanjabay inay Anshax marintii C/raxmaan C/qaadir oo kale ku samaynayaan
Hargeysa, 09, June 2012 (SDN)- Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeey oo ka tirsan Golaha Wakiiladda isla markaana ah Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye ayaa maanta Huteelka Imperial ku qabtay Shir jaraa’id oo uu kaga jawaabayay Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda oo ku jira Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, kuwaasoo dhaliilo u soo jeediyay Xukuumadda Axmed Siilaanyo Hogaaminayo.
“waxaan u sheegayaa xildhibaanada dhaliilaha u soo jeedinaya xukuumadda iyo cidkasta oo xisbiga Kulmiye ka tirsan kuna kacda falkaas in laga qaadi doono tallaabo la mid ah tii dhawaan lagu Anshax mariyey Cabdiraxmaan Cabdiqaadir”
Xildhibaan Waabeeye waxa uu si adag u naqdiyay dooda Xildhibaanada kala ah Siciid Cilmi Rooble, Rayte, Axmed Weyne iyo Axmed Ducaale Bulaale, kuwaasoo labadii Maalmood ee u danbeeyayba Siyaasada iyo hogaanka Axmed Siilaanyo ku tilmaamay mid majarahabawsan oo xad gudub ku haya barnaamijkii Xisbiga Kulmiye iyo balanqaadyadii ay ummadda u sameeyeen wakhtigii ay Mucaaradka ahaayeen.
“ haddii aan maanta anigu xisbiga Kulmiye ka biyo diido waxaan dadka u caddanlahaa in uu xisbiga Kulmiye ka baydhay waxyaabihii aan ku raacsanaa markaas waxa iibanaan in aan waxii dhaliil ah ee aan qabo soo bandhigo taasina waa ay ibanaantahay maraas xildhibaanadan waxaan leeyahay marka hore waxaa la gudboon saaxiibaday in ay iska casilaan xubinimada xisbiga haddii ay doonayaan inay dhaliilo sheegaan “
Xildhibaanada uu Waabeeye naqdiyay waxay ku eedeeyeen Madaxweyne Siilaanyo musuqmaasuqa ay Xukuumaddiisu samaysay iyagoo ku dooday masuuliyiinta loo xukumay arrintaasi inaanay qayb ka ahaayeen ee ay masuuliyiin ka waaweyni ku jireen isla markaana aanu waxba ka qabane iska xidhay kooxdaasi oo sida ay ku doodeen ay sheegeen inaanay Xeer ilaalintu wax danbi ah ku cadayn.
Xildhibaan Waabeeye isagoo daba jooga hadaladooda waxa uu saxaafadda u sheegay inaanay Eedahoodaasi waxba ka jirin haddii ay Xukuumaddu qaldan tahayna aanay haboonayn in Cidlada laga eedeeyo’e ay kulamada Xisbiga, Golayaasha ama Xukuumaddaba kala hadlaan oo ay halkaas uga tabiyaan hase yeeshee aanay ahayn in Ummadda la majarahabaabiyo oo loo sheego waxaan jirin.
Xildhibaan Waabeeye waxa uu tusaale u soo qaatay hadalada Xildhibaanadu inay la mid yihiin kuwii C/raxmaan C/qaadir ku kacay oo kale isla markaana haddii ay tahay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo haddii ay tahay Xildhibaanada Golaha Dhexeba cidii ku xadgudubta sharciga Xisbiga u yaala lagu abaaal marin doono Anshax Marin Deg deg ah.
“ Haddanu nahay xisbul Xaakimka ma ogalaandoono cid naga tirsan haddana dhaliil u soo jeedisa xisbiga waxaana ka yaal xeer anshax marin ah , aniga ayaa la I marin karaa xeerkaas waxaa la marin karaa Muuse Biixi iyo cidkasta oo ku dhaqaaqda arrinkaas
sida aad la socoteen muddo laba bilood ka hor waxaanu qabsanay shirweynihii golaha dhexe taas oo aanu xilkii lagaga qaaday guddoomiye ku-xegeenkii 2 aad ee xibiga taasi maaha mid kaligii waase mid lagu dhaqidoono cidkasta oo meel kaga dhacda jiritaanka iyo ujeedooyinka Xisbiga”ayuu yidhi Xildhibaan Waabeeye
SDN, Hargeisa