Qurbejooga Beesha Galbeedka Burco oo soo jeediyay in Shirka Cerigaabo laga dhigo mid Garxajis oo idili u dhan yahay
London Juun 09,2012(SDN)-Waxgaradka degaanka Galbeedka Burco oo dhawaanahanba ka munaaqashoonayay isla markaana ku hawlanaa qaban qaabada Shir beeshu ku qabaneyso magaalada Ceerigaabo ayaa soo jeediyay in Shirkaa la Balaadhiyo.
Qurbejooga Beesha Habar Yonis ayaa is tusay in la balaadhiyo shirka si wada jir looga arrinsado aayaha beelweynta Garxajis.
Qurbejooga oo taladan la wadaagay beesha Ciidegale Weyne qurbejoogooda qaar ka mida ayaa dhankooda soo dhaweeyay.
Taladan ay soo jeediyeen Qurbejooga beesha Habar Yonis isla markaana ay beesha Ciidegale qurbejoogoodu la qaateen ayaa lagu wadaa in dhawaan loo gudbiyo waxgaradka beelweynta Garxajis ee dalkii ku sugan.
Hadii talada sideeda loo qaato ayay isla qireen waxgaradka beeshu in shirkaasi baaxad ka weyn yeelan doono hadii la kala shiro.
Shirka wada tashiga beesha Garxajis ay ka abaabuleyso dalka gudihiisa iyo dibediisa ayaa noqday ka ugu hadal heynta badan ka dib kolkii xukuumada Axmed Siilaanyo ay dhaqdhaqaajis rag carqaladeeya shirka.
SDN-London