Russia oo 4-1 Ku Soo Dhaweysey Czeh Republic.
Pol-Uke-fri-08-2012-qurbejoog.com-Saaxiibayaal faaqidaadeena ciyaaraha waxaynu maanta ku lafagureynaa horyaalkii kubadda cagta ee qaaradda yurub oo si rasmi ah uga bilowdey wadamada kala ah Poland iyo Ukerain.
Waxaa mar dhaweyd soo gabagaboydey ciyaarii lagu furey tartankan waxaana foodda isla galey wadankii loo martida ahaa ee Poland iyo Greece waxayna ciaartaasi ku dhamaatay 1-1.
Laakiin akyaatay waxaynu jaleeceynaa ciyaartii lawada sugayey waxayna dhexmartey Russia iyo Czech Republic dabcan waxaa ka soo qeybgaley dadweyne aad u tiro badan iyo labada dhinac taageerayaashooda.
Haddaba bilowgii ciyaarta qeybteedii horeyba waxaa jaanta si fiican isula heley Russia iyaga oo ka faa’iideystey kaladaadsanaan ku timid difaaca Czech,una suurta galisey daqiiqaddii 17-aad goolkii ugu horeeyey waxaana ku farayareystey Alan Dzagoeve kii labaadna waxaa russia u raaciyey Roman Shirokov,qeybtii hore ee ciyaata waxay ku dhamaatey Russia 2-Czech-0.
Qeybtii dambe ee ciyaarta daqiiqaddii 52-aad waxaa gool qurux badan Czech u saxeexay Pilar,laakiin wadajir la’aan ku habsatey Czech waxaad daqiiqaddii 79-aad goolkii 3aad-Russia ku niyad kiciyey Alan Dzagoeve kii 4-aadna waxaa u raaciyey daqiiqaddii 82-aad Pavlyuchenko.
W/D-Jaahuur
qurbejoog.com