|

Shirkadda Ethiopian Airlines oo muddaysay xilliga uu ka bilaabmi doonto duulimaadyadeeda Madaarka Berbera oo loo wareejiyay, kana hadashay sababta keentay

Addis Ababa 8, June 2012 (Qurbejoog.com)- Shirkadda diyaaradda ee Ethiopian Airlines, ayaa shaacisay xilliga ay duulimaadyadeeda dib uga bilaabi doonto Somaliland, ka dib markii ay duulimaadyadeedii Madaarka Hargeysa joogsadeen markii 2008 qaraxyada Argagixiso ka dhaceen goobo muhiim ah oo ku yaala caasimadda Hargeysa.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay shirkaddu maanta soosaartay, waxay ku sheegtay inay ku faraxsan tahay inay duulimaadyo cusub ka bilawdo Madaarka Berbera, maadaama aanu weli dhamaystirnayn dib-u-habaynta ku socota dhabaha diyaaraddaha ee caasimadda Hargeysa.

Shirkadda Ethiopian Airlines, waxay sheegtay inay 1-da bisha soo socota ee July bilaabi doonto duulimaadyadeeda magaalo-dekadeedda ee Berbera, kaasoo ay u isticmaali doonto diyaaradeeda nooca loo yaqaan Q400, kaasoo ay maalin kasta ku iman doonto.

Warku wuxuu intaa ku daray, in duulimaadyada Ethiopian Airlines noqon doonaan duulimaadyo ay todobaadkii saddex jeer oo gelinka hore ah ku iman doonto iyo afar maalmood oo ay duulimaadyo gelin dambe ah noqon doonto.

Waxay sheegtay in Itoobiya ay dib u bilaabista duulimaadyadeeda Somaliland uu xoojinayo doorka kaalinta diyaaradeed ee Ethiopian Airlines ku timaado, kagana goosho qaaradda Afrika.

“Dib-u-bilaabista duulimaadyada caasimadda Somaliland ee Hargeysa (ee Ethiopian Airlines), ee loo muddeeyay 10-ka Juun, waxa loo bedelay iyadoo aan la dhamaystirin dib-u-habaynta dhabaha diyaaraddaha ee Hargeysa,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedkaas. “Marka dib-u-habayntaasi dhamaystirantoba, Itoobiya waxay qorshaysay inay si degdeg ah u bilawdo duulimaadyada,” ayuu raaciyay.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed