|

Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli oo maanta dalka dib ugu soo laabtay

Muqdisho, Jimco, June 8, 2012—— Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr.
Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xubnihii wefdigiisa ayaa maanta dalka
dib ugu soo laabtay kadib shir uu kaga qeyb galay dalka turkiga oo ay
ka soo qeyb galeen in ka badan 50 dal iyo hay’ado Caalami ah kaa oo
lagaga hadlayay arrimaha dalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa si diiran garoonka Caalamiga ah ee
Muqdisho ugu soo dhoweeyey dadweyne aad u fara badan,Qaar ka tirsan
golaha Wasiirada, Xildhibaano, Saraakiil, Haween,Barbaarta gaashaaman
iyo Fanaaniin.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbaahinta uga warbixiyay safarkiisa wuxuuna
sheegay in Shirkii labaad ee Istabuul ee dalka turkiga u ka qeyb galay
islamarkaana tilaamay in shirkaasi looga hadlayay hormarka dalka iyo
sidii wax looga qaban lahaa dhinaca mashaariicda hormarinta dalka,
Isagoona sheegay in shirkaasi uu ku soo dhamaaday si guul ah.

“Waxaan maanta aad ugu faraxsanahay inaan ku soo laabto caasimadii
dalka ee Muqdisho, Waxaan ka soo qeyb galay shirkii Istanbuul ee dalka
turkiga kaa  oo lagaga hadlayay arrimaha Soomaaliya. Shirkaasoo ku soo
dhamaaday guul islamarkaana shir muhiim ah u ahaa gedi socodka  Nabada
Soomaaliyeed ee dowladda Walaalaha nahay ee turkiga inoo qabatay.
Waxaan ka gudbeynaa KM Gaarnimada sidoo kale waxaan ku jirnaa
dhameystirkii Dastuurka, Waxaan galeynaa jawi nabadeed marka
barnaamijkaas socdo in lagu taageero xukuumadda laguna bixiyo dhaqaale
Soomaaliyana mudadii 20-ka sano ee colaada ka jirtay la soo afjaro”.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay
in socdaal uu ku soo maray dalka Kenya islamarkaana ay Mas’uuliyiinta
dowladda Kenya ay isla afgarteen sidii kor loogu qaadi lahaa  xiriirka
labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya.

SDN-Muqdisho

Comments are closed