|

Shababaka oo Jawaab ka Bixiyay $33 million ee Mareykanku dul dhigay Madaxdooda

Muqdisho June 08,2012(SDN)-Kooxda Al Shabaab ee Mareykanku madaxdooda dul dhigay $33 million ayaa jawaab ka bixiyay sida ay tilaabadaa u arkaan.

Shebekeda somalimidnimo oo xidhiidh dhaw la leh kooxda Al Shabaab ayaa daabacday in qorshaha Mareykanka ee lagu ugaarsanayo madaxda Shabaabku aanu shaqeyn doonin.

“Gaaladu waa ay garanayaan cida ah hogaamiyeyaasha dhabta ah ee Muslimiinta,waana sababtaa ta lacagta loogu bixinayo xogta”ayaa lagu yidhi odhaahdan jawaabta aheyd.

“Ugaadhsiga madaxda Muslimiinta ayaa ka turjumeysa fikir aan hore u shaqeyn,oo odhanaya hadii aad maska madaxa ka disho wuu dhintaa,hore ayaa loo dilay madaxdeena qaar ka mida,jihaadkuna halkiisa syuu ka sii socdaa”ayaa lagu gunaanaday odhaahda.

Mareykanka ayaa maanta shaaciyay bog Internetka ah oo lagu soo bandhigay mashruuc lacago lagu siinayo cidii keenta xog ku saabsan todobo ka mida madaxda ugu sareysa ee Shabaabka.

Lacagaha Mareykanku ku bixinayo xogta Shabaabka ayaa lagu sheegay in ay gaadheyso $33 million.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed