Mareykanka oo Lacago Malaayiin ah Dul Dhigay Madaxda Sare ee Shabaabka
Washington June 07,2012(SDN)-Dawlada dalka Mareykanka ayaa kolkii u horeysay hirgelineysa mashruuc ay Malaayiin ku bixineyso si ay xog uga hesho madaxda sare ee kooxda Al Shabaab.
Sidaana waxa lagu shaaciyay bog cusub oo dhanka Internetka ah oo ay wasaarada arrimaha dibedu yeelaneyso oo arintan lagu soo bandhigi doono.
Bogan Cusub oo la yidhaahdo “Rewards for Justice” ayaa noqon doono dagaal noociisu ku cusub yahay.
Robert Hartung oo ah sarkaal ka tirsan wasaarada arrimaha dibedda ee dalka Mareykanka isla markaana barnaamijkan madax ka ah ayaa sheegay in dawladiisu Malaayiin ku bixineyso xogta todoba ka mid ah madaxda Shabaabka.
Mareykanka ayaa madaxa Shabaabka Ina Godane dul dhigay aduun dhan $7 million oo dollar.
Halka Ibrahim Xaaji Jaamac Afgani iyo Fuaad Shongole oo madaxooda la dul dhigay aduun dhan $5 million oo dollar.
Sidoo kale Mareykanku waxa ay aduun dhan $3 million Mareykanku waxa ay abaal marin ahaan u siinayaa ruuxa xogtooda keena Zakeriya Ismail Axmed Xirsi oo ah madaxa sirdoonka Shabaabka iyo nin isna la yidhaahdo Cabdulahi Yare oo ka mid ah madaxda Shabaabka.
Mareykanka ayaa ku kalsoon in barnaamijkani mira dhali doono oo madaxda Shabaabka ama gacantooda soo geli doonaan ama la dili doono.
SDN-Washington