SHIRKII ISTAMBUUL QAYBTII 2AAD
Maqaalkaygii hore ee taariikhdiisu ahay 50/06/12 waxaan uga hadlay ujeedadii shirka loo qabtay iyo saddex ka mid ah qodobadii ka soo baxay shirka. In kasta oo la wada ogsoon yahay taladii ay dadkii Soomaalida ahaa soo jeediyeen in la diiday, haddana waxaa muuqata in dadka Soomaalida ahi si qaldan ugu taageereen qodobadii gaaladu ka soo saartay shirka. Arag www.omersuleiman.co.uk.
Waxaan doonayaa in aan taxliiliyo qodobada 40ka ah ee shirkaas ka soo baxay si dadku u gartaan ula jeedada shirka loo qabtay oo keliya ma aha ee aan in la garto meesha dalka iyo dadka loo wado. Waxaan ku bilaabayaa Qodobka 4aad oo aan doonayo in aan sii faah-faahiyo.
Qodobka 4aad.
4.The Conference highlighted that primary responsibility for establishing a political solution in the country lies with Somalis. The role of the international community is to support Somalis to provide leadership and ownership in rebuilding a functioning state and local governments that can provide security, ensure the rule of law and respect for human rights, provide basic social services and create an enabling environment that allows for economic opportunity for all its citizens.
Sida qodobku qorayo wuxuu lee yahay wuxuu shirku hoosta ka xariiqay in mas’uuliyadda ugu horraysa ee xal u helista siyaasadda murugsan ay tahay arrin Soomaalida gacanta ugu jirta.
Doorka beesha caalamiguna waa in ay gacan ku siiso Somalidu in ay iyagu samaystaan hoggaanintii ayna dib u dhistaan qaranimadoodii iyo dawlad hoose oo soo celisa amnigii iyo kala dambayntii hubisa ku dhaqanka sharciga dalka, xaq dhawrta xuquuqda aadamiga, abuurta adeegga hore ee bulshada ayna abuurto jawi dadka u musaamaxaya in ay ku samaystaan maal gelin.
Haddaba markii aan is weydiinno waxaa cad oo aan maanta labo is weydiinayn in mas’uuliyadda kowaad ay beesha caalamka gacanta ugu jirto ayna sida qodobka ku qoran oo ahayd sida saxa ah ee la doonayo ay ka beddeleen iyaguna Soomaalida kala wareegeen mas’uuliyaddii dalka oo dhan. Dadka Soomaaliduna yihiin kuwo beesha caalamka ku siinaya gacan sidii ay dalka uga samayn lahayd wixii ay iyagu doonayaan.
Isma weydiinayno in ay doonayaan in dalka Soomaaliya uu ka baxo qariidada adduunka oo lagu kala daro Itoobiya iyo Kenya. Caddaynteedana waxaan uga soo hadlay maqaalkaygii hore ee ku saabsanaa shirkii Islambuul loogu qabtay Soomaalida.
Marka qodobkan 4aad waa been dadka Soomaalida ah loo sheegayo iyaguna waxay u qaateen in sida ay tahay tahay sax laakiin kama aanay fekerayaan in aanay talada dalku Soomaali gacanta ugu jirin dibna loogu soo celinayn.
Haddii ay dhihi lahaayeen talada dalka waan ka boobnay dadkii Soomaaliyeed ee iska lahaa ee waa in iyaga dib loogu celiyaa innaguna ku taageernaa waxa ay doonayaa war la yaqaan ayuu ahaan lahaa oo aan dhagaraysnayn. Ka dibna la qori lahaa tallaabooyinka ay Soomaalidu doonayaan in dalka dib gacantooda loogu soo celiyo.
Hadda waxaa bilaabanaya qodobada ka hadlaya Siyaasadda dalka sidaas darteed waxaan dadka Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay ila falanqeeyaan, wixii aan ku qaldanahayna ii soo qoraan waa kan e-mailkaugu eh: omer.shalaqo@gmail.com.
QODOBKA 5AAD.
Qodobkan wuxuu caddaynayaa in shirka la isku raacay in lagu socda lana meel mariyo waxyaabihii ka soo baxay shirkii London.
SIYAASADDA.
QODOBKA 6AAD.
6. The Conference reiterated that the transitional period will come to an end in August 2012 in accordance with the Kampala Accord, the Roadmap, the Garowe I and II Principles, the Galkayo Agreement and re-affirmed commitment made by the Signatories to the Roadmap through the Addis Ababa Communique. It called for the timely implementation of these decisions and delivery of pledged funds. The Conference commended the convening of the Traditional Elders in Mogadishu who are carrying out their task of selecting the members of the Constituent Assembly and the new Parliament.
It welcomed their efforts to ensure that women meaningfully participate in the process and constitute 30% of the Constituent Assembly and the new Parliament and the role of women is enshrined in the constitution.
Sida ka muuqata qodobkan oo afka Soomaaliga aan ku dhihi karo sidatan:
Wuxuu shirku isku raacay in iyada oo la tix gelinayo heshiiskii Kampala, Roadmapka, Garoowe I iyo II, heshiiskii Gaalkacayo iyo ballankii ay qaadeen saxeexayaashii Roadmapka ee ka dhacay Addis Ababa ay ogolaadeen in ku meel gaarnimadii Dawladda Soomaaliyeed ku ekaato bisha Ogost ee sannadkan.
Wuxuu shirku ku baaqay in go’aamadaas midba mar la meel mariyo wixii dhaqaalo loo ballanka qaadayna la helo. Wuxuu shirku u soo jeediyey oday dhaqameedyada Muqdisho oo laga doonayo in ay soo xulaan gudiga xulaysa xubnaha baarlamaanka in ay hawshoodii bilaabaan. Wuxuuna shirku soo dhoweynayaa in gudiga xubnaha soo xulaysa iyo xubnaha baarlamaankaba 30% laga dhigo haween.
Haddaba haddii aan hoos u eego qodobkan wuxuu toos uga soo hor jeedaa diinta Islaamka wuxuu burinayaa aayado Qoraan ruuxii qodobka ku dhaqma ee meel mariya wuxuu noqonayaa ruux amar Alle bixiyey amar kale ku jebiyey, waxayna culumadu isku raacsan tahay in uu qofkaasi yahay gaal.
Haweenayda qodobka ku soo shaacbaxdaana waxay noqonaysaa ruux qof dhahay سَمِعْنَا وَعَصَيْنَا waxayna burinayaan aayaddan hoos ku xusan oo in kasta oo ay ku hadal qabsnaayso haweenkii rasuulka waa aayad caam ah oo haweenka mu’miniinta ah oo dhan laga doonayo.
وَقَرْنَ فِي بُيُوتِكُنَّ وَلَا تَبَرَّجْنَ تَبَرُّجَ الْجَاهِلِيَّةِ الْأُولَى وَأَقِمْنَ الصَّلَاةَ وَءَاتِينَ الزَّكَاةَ وَأَطِعْنَ اللَّهَ وَرَسُولَهُ إِنَّمَا يُرِيدُ اللَّهُ لِيُذْهِبَ عَنْكُمُ الرِّجْسَ أَهْلَ الْبَيْتِ وَيُطَهِّرَكُمْ تَطْهِيرًا(الأحزاب 33).
Marka qodobkani wuxuu si cad ugu baaqayaa lidka aayaddaas kariimka ah sidaas darteed cid kasta oo qodobkaas ogolaato waxay culumada adduunku isku raacsan tahay in lagu gaaloobayo, sidaasna uu uga soo hor jeedo diinta Islaamka.
Sida diinteenna xumaanta oo dhan ka hufani qabto haweenku wuxuu lee yahay xuquuq Alle siiyey oo waajib nagu wada ah ruuxii ka soo bixi waayana Alle u ballan qaaday in uusan gelayn jannadiisa. Midda kale haweenka nin ayaa qaba, nin ayaa dhalay ninna waa la dhashay dhammaantoodna waajib Alle noo wada saaray ayaa jira oo cid jebin kartaa jirin.
Gaalada ninku haweneydiisa wax ma siiyo, gabadhiisana wuxuu ula dhaqmaa qof ka ah shisheeye oo kale, wiilkiisana isma sheegtaan isumana baahdaan waayo midina midka kale wax ma siiyo waana is wada neceb yihiin. Sidaas darteed xaq daradaas faraha badan ee haweenka lagu hayo ayaa gaalada ku qasabtay in ay haweenka noloshooda la soo simaan midda ninka. Waxay keeneen in ay laba naagood ogolaadaan in ay is guursadaan ama wax iska doontaan si ay ninkii u darnaa aanay ugu baahan.
Marka waxay noola dhaqmayaan sidooda oo kale sidaas darteed ayuu qodobkani diint Islaamka uga soo hor jeedaa mana la aqbali karo marba haddii aynu muslim nahay.
Islaamka wiilka iyo gabadhu waa ay simana yihiin dad ayaa laga yaabaa in ay dhahaan sidee ku siman yihiin haddii wiilku dhaxalka lee yahay saamiga labo gabdhood? Taas ayaa ah sinnaanta lafteeda waayo haddii gabadha masruufkeeda iyo mariinkeeda aabeheed, walaalkeed iyo ninkeeda looga dhigay waajib, haddii dhaxalka loola simo walaalkeed iyada ayaa wax dheeg ee ma aha sinnaan, waayo si kasta oo ay gabadhu u tahay hodan ninkeeda ayay xaq ugu lee dahay masruuf iyo mariinba si kasta oo uu sabool u yahay isagu.
Marka haddii aynu samaynno baarlamaan haween keliya ah maxaa iska beddelaya nolosha ummadda Soomaaliyeed oo haddii rag keliya laga dhigo baarlamaanka aan la gaadhayn. Waxaan u arkaa in ay tahay fikir qaawan oo madhan wax lagu dheefayo oo haweenka oo aan lagu darin baarlamaanka mooyee is kale lagu helayni uusN jirin.
Marka way caddahay in qodobkan ula jeedadiisu tahay in haweenka guryaha laga soo saaro bulshadu sharafkeedu dumo dadkuna diinta ka baxaan. In ay diintu tahay sharafka ummadana wuxuu Alle noogu sheegay aayaddan.
لَقَدْ أَنْزَلْنَا إِلَيْكُمْ كِتَابًا فِيهِ ذِكْرُكُمْ أَفَلَا تَعْقِلُونَ(الأنبياء 10).
Macnaheeda oo koobanina waa sidatan:
Miyeydaan garan karin in kitaabka aannu idiin soo dejinay waxa ku dhigani runtii idiin yahay sharaf.
Qodobada kale ku sugo maqaaladayda dambe.
OMER SULEIMAN ALI