Shirguddoonka Wakiilada Somaliland oo qoraal wargelin ah u diray Mudaneyaasha Golahooda
Hargeysa 06, June 2012 (Qurbejoog.com)- Shirguddoonka golaha Wakiilada Somaliland, ayaa qoraal wargelin ah u diray mudaneyaasha golahooda, iyadoo lagu adkeeyay inay waqtiga dhawraan.
Qoraal kooban oo xambaarsan wargelin loo jeediyay xubnaha golaha Wakiilada, waxa lagu sheegay in kal-fadhiga 18aad ee golahaas oo muddooyinkii u dambeeyay fasax ku jiray, wuxuuna qoraalkaas wargelinta ahi u dhignaa sidan; “Waxa dhammaan xildhibaanadda golaha Wakiilada lagu wargelinayaa inay yimaadaan xarunta golaha maalinta Sabtida ee 10/6/2012-ka, saacaddu markay tahay 9:30 subaxnimo, iyadoo uu furmi doono kalfadhigii 18-aad ee golaha Wakiiladu.
Waxa mudaneyaasha dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ku sugan lagu wargelinayaa inay ka soo xaadiraan fadhiga golaha Wakiilada, waxaana Mudaneyaasha lagu adkaynayaa inay waqtiga dhawraan.”
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com