Mudanayaasha Guurtida oo loo qaybiyay Ajandaha Kal-fadhiga 47aad iyo qodobada uu ka kooban yahay
Hargeysa, 06, June 2012 (SDN)- Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta loo qaybiyay ajandaha kalfadhiga 47aad ee golahaas.
Fadhigii maanta oo uu shirguddoominayay guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Guurtida Siciid Jaamac ayaa waxa loogu qaybiyay ajandaha kalfadhiga 47aad ee Golaha Guurtida oo ka kooban lix qodob.
Waxaanay mudanayaashu gudagali doonaan qodobadaas maalmaha soo socda.
Qodobada uu ka kooban ajan-daha kal-fadhiga 47aad ee Golaha Guurtidu:
1- Warbixinta Shirguddoonka
2- Warbixinta Gudida Joogtada ah
3- Siyaasadda
a- Siyaasadda Arrimaha Gudaha
b- Siyaasadda Arrimaha Dibedda
c- Arrimaha hadda taagan
4- Nabadgelyada iyo horumarinteeda
a- Nabadgelyada guud ee dalka
b- U diyaargarawga Doorashooyinka iyo doorka Golaha Guurtida
5- Arrimaha Bulshada
a- Waxbarashada
b- Caafimaadka
c- Biyaha
d- Laydhka
6- Xog-wareysi lala yeesho Wasiirrada
a- Wasiirka Waxbarashada
b- Wasiirka Arrimaha Dibedda
c- Wasiirka Arrimaha Gudaha
SDN, Hargeisa