JAHAADKU AMA WAA GEERI AMA WAA GUUL
Waxaan in badan ka hadlay in Shabaabtu aanay ahayn mujaahidiin waayo waxay khilaafsan yihiin xeerka, shuruudda iyo sharciga jahaadka. Mujaahid ma aha derejo uu dadku bixiyo ee Alle oo keliya ayaa bixiya. Ruuxii isaga oo dan gaar ah ku fushanaya dad aan diinta aqoon badan u lahayn ku adeegsada mujaahidiin ayaad tihiin, wuxuu la mid yahay ruux kitaabkii Alle oo dhan ka been sheegay.
Sheekada mujaahidnimada waxaa noo bilaabay SNM iyo USC qaybtii Caydiid waxayna derejada mujaahidnimada siiyeen mooryaantii u dagaalamaysay sidii ay xukun ku heli lahaayeen, hase yeeshee intaas uma dhaafayo waayo iyaga iyo Alle ayay ka dhexaysaa.
Raggaasi madaxda ka ahaa ururadaas rug diinta aqoon u leh ma ahayn hase yeeshee waxay arrintii noqotay ka dar oo dibi dhal markii kuwii diinta sheeganayey ay mooryaan ku sheegeen mujaahidiin. Waxayna ka sii dareen markii ay dheheen jannadii ayaad hore ka gelaysaa ee orod isku qarxi dad islaam ah.
Waxaan horay uga hadlay in aanay mujaahidiin ahayn Shabaabtu ee ay adduunyo doon yihiin sidii SNM, USC iyo SSDF, sidaas darteed haddii ay waxar si xaq darro ah uga dhiijiyeen Ilaahay idankiis waa lagula xisaabtamayaa.
Hal ma diiddani halse ma ogoli; ma diidani in uu waajibay jahaad fardul Cayn ahi marba haddii ay gaalo isugu soo bahaysatay in aan Soomaaliya looga dhaqmin kitaabka Alle iyo sunnada rasuulka, laakiin kuwa moodaya in ay jahaadayaan haabkiisa ma hayaan waxaanna ka baqayaa in ay naftooda iyo inta kale ee ay baadiyeeyeenba ay cadaab afka uga shubeen, mujaahidnimo ha ii dambaysee.
Ruux igu qancin karaa ma jiro in dagaalka ka socda Soomaaliya uu yahay mid dhaqaale doonimo ah. Bal arka waxa dhacay ee la soo maray:
Markii ay dhacday dawladdii Siyaad Barre, dagaal oogayaal ayaa ummaddii iyo dalkiiba dhalan rogay oo xumaan nooc kasta oo ay tahayba ka sameeyey. Shirkii Jabuuti 1 wixii la soo dhistay beesha caalamka ayaa diidday, Jabuuti 2 wixii la soo dhistay haddana beesha caalamka ayaa diidday, ka dib Imbigathy ayay dawladdii Abdullaahi Yuusuf noogu soo dhiseen aqoonsi buuxdana waa la siiyey. Dagaal oogayaashii oo xubno baarlamaan ah ayaa isku magacaabay ururka argagixiso la dagaalanka ah. Ilaah ayaa ciidamadiisa u soo adeejiyey oo jebiyey. Bahweynta gaaladu waxay weydey wakiillo Soomaali ah oo danahooda u fuliya markaas ayay Itoobiya soo dirsadeen. Nabaddii iyo midnimadii Ilaah gacanta midawgii maxaakiimta nagu siiyey halkaas ayay ugu soo duuleen kuna burburiyeen. Intaas ayaa caddaynaysa in dagaalku yahay mid looga soo horjeedo ku dhaqanka diinta Islaamka, jahaadna ansax u yahay. Waxaan dhegaysanayaa ruuxa taariikhda u ekaysiiya mid dano dhaqaale ku jirta.
Horay waxaan u diidanaa in iyaga oo sheeganaya mujaahidiin ay danta keliya ee ay lee yihiin tahay in kitaabka Alle kor ahaado ay laayaan dad islaam ah, ogoobay ruuxii muslim ah ee ku nool gaalo dhexdeed kuma gaaloobayo eh. Waxay isku qarxiyeen dhallaankii caafimaadka bartay, waxay isku qaxiyeen dhallaan in ay wax barasho ugu baxaan dibedaha oo aan waxba galabsan, waxay laayeen dad aan tiro lahayn oo aan waxba galabsan dhammaanna waxay wada ahaayeen dad islaam ah, markaas ayay weliba ka dhigeen in ay tahay guul Alle siiyey ayna ugu xamdiyeen Alle wixii uu dhahay ha samaynina haddii aad samaysaan waan idin cadaabayaa eh, mujaahidnimadaas anigu kolley ma doonayo.
Mujaahidku waa in uu ahaado mid jecel in uu shahiido ee aan soo noqon, sidaas darteed mujaahidku ma cararo.
وَمَنْ يُوَلِّهِمْ يَوْمَئِذٍ دُبُرَهُ إِلَّا مُتَحَرِّفًا لِقِتَالٍ أَوْ مُتَحَيِّزًا إِلَى فِئَةٍ فَقَدْ بَاءَ بِغَضَبٍ مِنَ اللَّهِ وَمَأْوَاهُ جَهَنَّمُ وَبِئْسَ الْمَصِيرُ(الأنفال 16).
Aayaddan waxay mujaahidiinta ka reebaysaa in ay cadawga dhabarka u jeediyaan in ay tab iyo xeel dagaal ka tahay mooyee ama ay koox kale oo ka mid ah mu’miniinta ay ku biirayaan mooyee, haddii ay si kale dhabarku ugu jeediyaan cadawga wax aan cadho Alle ahayn ma taransanayaan hoygooda rasmiga ahina wuxuu noqonayaa jahannamo iyo aayo xumo dambe.
Sida la wada ogsoon yahay ruuxa Islaamka ahi ma aha mid ka baqa in uu dhinto waayo wuxuu og yahay in uu lee yahay maalin uusan dhaafayn meesha uu ku dhimanayo iyo sababtuna waa la sii qoray, sidaas darteed wax la dhaho nafta ayuu la cararay ma jirto Alle agtiisana kama shaqaynayso.
Sidaas darteed ruux mu’minka ahi wuu garan karaa in haddii uu Alle u qoray in uu shahiido aanay jirin cid baajin kartaa, sidaas darteed in geeridu dhib ku hayso ma aha ruux mu’min ah. Marka marba haddii uu dhimanayo in uu geeri sharafteed dhinto muxuu ku diidayaa, waana taasi shahiidnimo, sidaas darteed carariddu waa arrin xun waxaana ka hadlaysa aayadda aan kor ku sooc xusay.
Wuxuu Alle isaga oo ay ka tahay in uu na dareensiiyo sharafta iyo maqaamka shahiidnimada lagu gaadho uu Quraankiisa kariimka ah noogu caddeeyey aayaddan hoos ku xusan;
إِنَّ اللَّهَ اشْتَرَى مِنَ الْمُؤْمِنِينَ أَنْفُسَهُمْ وَأَمْوَالَهُمْ بِأَنَّ لَهُمُ الْجَنَّةَ يُقَاتِلُونَ فِي سَبِيلِ اللَّهِ فَيَقْتُلُونَ وَيُقْتَلُونَ وَعْدًا عَلَيْهِ حَقًّا فِي التَّوْرَاةِ وَالْإِنْجِيلِ وَالْقُرْءَانِ وَمَنْ أَوْفَى بِعَهْدِهِ مِنَ اللَّهِ فَاسْتَبْشِرُوا بِبَيْعِكُمُ الَّذِي بَايَعْتُمْ بِهِ وَذَلِكَ هُوَ الْفَوْزُ الْعَظِيمُ(التوبة 111).
Wuxuu Alle aayaddan noogu caddaynayaa in ruuxii maalkiisa iyo naftiisa ku ku gala jahaad Alle dartiis ah haddii uu ku dhinto iyo haddii uu nabad ku soo laabtaba wuxuu Alle u ballan qaadayaa abaal gud la bixiyo midka ugu qiimaha iyo qaayaha weyn.
Annaguna in aannu shahiidno ayaan ka cararaynaa Ilaahna sidaas ayuu noogu manno sheeganayaa oo uu noo caddaynayaa in wax ka qiimo badan uu nagu siinayo, isla mar ahaantaasna uu isagu muddeeyey goorta naf waliba baxayso.
Waxaan aad uga xumahay in ay Shabaabtii naftoodii la cararaan ee isweydiintu waxay tahay ma Ilaah ayay kala cararayaan mase iyaga ayaa badbaadinta naftoodu gacanta ugu jirtaa. Waxaan sugayey in ay geeri ka jeclaystaan in ay cadho Alle taransadaan oo ay jahaadka ka baxaan.
Bal dhacdadan taariikhiga ahna fiiriya:
Dagaalkii Uxud markii ay muslimiintii kala carareen ee ay rasuulkii oo ka daba qaylinaya dheg u dhigi waayeen, ayay munaafaqiintii sheekaysteen waxayna is weydiiyeen horta talada wax ma ku lee nahay iyo haddii nalala tashan lahaa tani ma dhacdeen. Markaas ayaa Alle u jawaabay wuxuuna dhahay haddii uu jiri lahaa mid loo qoray in uu maalinkaas dhinto dagaalka meeshii uu ku dhiman lahaa ayuu ugu imaan lahaa.
ثُمَّ أَنْزَلَ عَلَيْكُمْ مِنْ بَعْدِ الْغَمِّ أَمَنَةً نُعَاسًا يَغْشَى طَائِفَةً مِنْكُمْ وَطَائِفَةٌ قَدْ أَهَمَّتْهُمْ أَنْفُسُهُمْ يَظُنُّونَ بِاللَّهِ غَيْرَ الْحَقِّ ظَنَّ الْجَاهِلِيَّةِ يَقُولُونَ هَلْ لَنَا مِنَ الْأَمْرِ مِنْ شَيْءٍ قُلْ إِنَّ الْأَمْرَ كُلَّهُ لِلَّهِ يُخْفُونَ فِي أَنْفُسِهِمْ مَا لَا يُبْدُونَ لَكَ يَقُولُونَ لَوْ كَانَ لَنَا مِنَ الْأَمْرِ شَيْءٌ مَا قُتِلْنَا هَاهُنَا قُلْ لَوْ كُنْتُمْ فِي بُيُوتِكُمْ لَبَرَزَ الَّذِينَ كُتِبَ عَلَيْهِمُ الْقَتْلُ إِلَى مَضَاجِعِهِمْ وَلِيَبْتَلِيَ اللَّهُ مَا فِي صُدُورِكُمْ وَلِيُمَحِّصَ مَا فِي قُلُوبِكُمْ وَاللَّهُ عَلِيمٌ بِذَاتِ الصُّدُورِ(آل عمران 154).
Marka sow ma aragtaan in Shabaabtu ay cararaan in ay xaaraan tahay, anigu waxaan jeclaan lahaa in ay saf ballaadhan galaan dhufays lugaha isku xidhtaan aanay ka kicin in la dilo iyo in ay adkaadaan mooyee si kale aanay ogolaan.
GUNAANAD
In jahaad bannaan yahay la iskuma hayo marba haddii ay gaalo u soo duushay in aan diinta Islaamka la isku xukumin.
Shabaabtu mujaahidiin ma ahayn waxaana shakigii dadku u malaynayey in ay yihiin mujaahidiin soo afjaray in ay naftoodii la carareen sidii ay iyagu geeri ka baajin karayaan.
Isma dhihin kollayba haddii Alle kuu qoray waad dhimanaysaa eh ha cararin si aanay cadho Alle kuugu dhicin.
Mar hore haddii aan sheegay in aanay jahaad wadin hadda ayay caddaatay marka ruux jahaad ku jira oo mu’min sheeganaya miyaa carari kara.
Omer Suleiman Ali