|

Dawladda Iiraan oo ka hadashay afduubyo Maraakiib Shidaal ay leedahay oo Budhcad-badeeda Soomaalidu la maaganaayeen

Tehran, May 25, 2012 (Qurbejoog.com/IRNA)- Maraakiibta dagaalka badda ee Iiraan, ayaa fashiliyay weeraro ka dhacay biyaha Caalamiga ah oo Maraakiib Shidaal oo ay leedahay ay Budhcad-badeeda Soomaalidu ku qaadeen.

Siday ku warantay wakaalada wararka Iiraan ee IRNA, maraakiibtan oo laba kuwa Saliida qaada ah, waxa weerar isku-day afduub ah qaaday Budhcad-badeeda Soomaalida. “Marka hore ee saliida ee Iiraan waxa soo weeraray doon Budhcad-badeed, maalmihii hore ee todobaadkan, xilli uu marayay meel u dhow xeebta Muscat ee waqooyi/bari dalka Cumaan ee gacanka Oman, iyadoo markabka labaadna lagu weeraray meel u dhow marinka Bab el-Mandeb oo Badda Cas ku xidha Gacanka Cadmeed, meel ka baxsan xeebta Soomaaliya,” sidaa waxa lagu sheegay qoraal ay Jimcaha maanta soosaartay waaxda Xidhiidhka Dadweynaha ee ciidanka Badda Iiraan.

Warku wuxuu intaa ku daray, in ciidanka dagaalka badda Iiraan ee ilaalinayay aaggaas ay ka hortageen weeraradaas, ka dib markii ay codsiyo xanuun leh ka heleen maraakiibta Saliida ee dalkooda.

Lama sheegin wax dhaawacyo ah oo gaadhay shaqaalaha maraakiibta Iiraan.

Tehran, Qurbejoog.com

Comments are closed