Hargeysa: Ururka VOSOMWO oo qabtay kulan lagu lafo-gurayo doorka Hogaamineed iyo Siyaasaddeed ee Beelaha La Haybsooco
Hargeysa, 24, May 2012 (SDN)- Ururka Codka Haweenka La Haybsooco ee Somaliland ee VOSOMWO ayaa maanta qabtay kulan lagaga hadlayo sidii beelaha la haybsoocaa door muhiim ah ugu yeelan lahaayeen Siyaasadda Dalka Somaliland.
Kulankan oo ka qabsoomay Hotel Mansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay furitaankii kulan hawleedkaas Masuuliyiin ka socotay Xukuumadda oo ka mid yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Faysal Cali Sheekh, Xildhibaan Yuusuf Kirix Cawad, Guddoomiyaha Degmada Gacan Libaax Khadar iyo Cuqaasha iyo Salaadiinta Beelaha la Haybsooco.
Kulan hawleedkan oo socon doona muddo laba maalmood waxa lagu lafa guri doonaa sidii beelaha la haybsoocaa ay door wax ku ool ah ugu yeelan lahaayeen siyaasadda iyo hogaanka dalka, isla markaana ay u faaqidi lahaayeen qorshaha kuraasta kootada ah ee dhawaan Xukuumadda maamulka haysaa ay u qoondaysay beelaha, isla markaana loo gudbiyay goleyaasha sharci dejinta.
Guddoomiyaha Ururka Codka Haweenka Somaliland ee la Haybsooco oo soo qaban-qaabiyay kulankan Marwo Nimco Iid Salaan ayaa ugu horeyn furitaankii ka warbixisay ujeedada kulankan ay u qabteen waxyaabaha lagaga dooddi doono muddada uu socda. Waxaana ka mid ahaa hadalladeedii. ‘Kulankani wuxuu ka mid yahay kulannadii xidhiidhka ahaa ee dadyawga la haybsooco ee ku dhaqan dhamaan gobollada Somaliland, kulamadaas ujeedadoodu waxay ahayd sidii beelaha la haybsoocaa uga qayb qaadan lahaayeen talada dalka, waxna looga siin lahaa fursadaha shaqo iyo waxbarasho ee ka jira dalka. Sidaa darteed waxaynu maanta kulankan ku lafo guri doonaa laba qodob, kuwaasoo kala ah.
1- Sidii aynu uga hawlgali lahayn in kootadii la ina siiyay la inoo kordhiyo
2- Inaynu dhexdeena ka doodno xubnaha kootada ah ee la ina siiyay miyaa lagu tartamayaa, mise dhexdeena ayaynu ka soo xulaynaa.
Qodobkaas dmabena xaqiiqdu waxay tahay in laga hawlgalo lagana hadlo oo lagala hadlo Golaha Wakiillada oo aynu sheegno habka aynu u doonayno in kootada la inoo siiyo.” ayay tidhi Marwo Nimco Iid Salaan, waxaanay ku dardaartay ka qaybgalayaashii kulankaas inay ka faa’iidaystaan fursadan xilligan ay haystaan dadka la haybsoocaa.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Urura VOSOMWO Nimco Iid Salaan waxay fariin u dirtay Madax-dhaqameedka Beelaha La Haybsoo sidii ay door muhiim ah uga qayb qaadan lahaayeen hirgelinta arrintan.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Faysal Cali Sheekh oo si rasmi ah u furay kulankaas ayaa sheegay inuu in badan kala soo shaqeeyay beelahaas iyo Ururka VOSOMWO sidii ay xuquuqdooda siyaasaddeed iyo bulshaba u heli lahaayeen, waxa kale oo uu Agaasimuhu kula dardaarmay bulshadaas inay noqdaan kuwa isku duuban oo gacmaha is-haysta. “Runtii tiro yaraani xagiina kama jirto, waxaad leedihiin Salaadii badan, waxaana idiinka baahan yahay tiro badnaantaas inaad ku dartaan tawfiiq.” ayuu yidhi Agaasimaha Guud, waxaanu tilmaamay in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay diyaar u tahay sidii dadkaa la haybsoocaa ay talada dalka rag iyo dumarba uga qayb qaadan lahaayeen.
Xildhibaan Yuusuf Kirix Cawad oo ka mid ah Golaha Deegaanka ee Caasimada, isla markaana bulshada la haybsooco in badan kala shaqeeyay dhinac xuquuqdooda, waxaanu dardaaran ku aadan dhinaca ka qaybgalka siyaasadda ujeediyay beelaha la haybsooco. “ Erayga keliya ee aan ku dardaarmayaa waxa weeye shalay waxba maynaan hayn,maanta waxbaynu haynaa, inkastoo saluug jiro oomeel walba saluugu uu ka jiro, markaad eegto beelaha faraha badan ee Somaliland, jaraa’idka maalin kasta cid cabanaysa ayaa ku qoran, waxaan leeyahay waxa yar ayaa waxa wayn lagu gaadhaa, saluuga iyo dacwada waynu wadi, Xukuumadda iyo Goleyaashana waynu u sheegi doonaa, haddiise waxa yar ee inoo ogolaaday aynu bismilaysan wayno mid dambena heli maysaan, fadeexad ayaanay idinku noqon oo hadhaw waxa la odhan doonaa intii horeba way ku heshiin waayeen.” Ayaa ka mid ahaa hadalladii dardaaranka ahaa ee Xildhibaan Yuusuf Kirix Cawad.
La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Beelaha La Haybsooco Barkhad Jaamac oo isaguna kulankaas ka hadlay sheegay in horumarka beeshu meel fiican marayo, waxaanu ammaan ujeediyay Ururka VOSOMWO.
Suldaan Naasir Cabdi oo ka mid ah Madax-dhaqameedka ugu waawayn Beelaha la haybsooco ayaa hadal dheer oo dhinacyo badan taabanaya ka jeediyay furitaankii kulankaas. ‘Waxaan la dafiri karayn in Horumarka uu qaranka Somaliland gaadhay ay ka muuqato beelaheena, waxa kale oo xaqiiq ah in beeshani ay ka kacday halkii ay taagnayd sannado ka hor.” ayuu yidhi Suldaan Naasir Suldaan Cabdi.
Boqor Axmed Iimaan ayaa isaguna kula dardaarmay beelaha la haybsoo isku duubnaan iyo inay taladoodu mid ahaato.
Guddoomiyaha degmada Gacan libaax Khadar ayaa isaguna ka mid ahaa masuuliyiintii furitaankii kulankaas ka hadashay.
SDN, Hargeisa