|

Wasaarada Cadaalada Somaliland oo Suxufiyiin u furay Aqoon isweydaarsi dhanka Xuquuqda Caruurta

Hargeysa April 29,2012(SDN)-Wasiirka wasaaradda Caddaaladda JSL Md Xuseen axmed caydiid ayaamaanta u furay in ka badan soddon xuxufi aqoon iswaydaarsi ku saabsan doorka saxaafadda ee ilaalinta xuquuqda cauruurta ayaa loogu qabtay Hotel Empirical ee magaalada hargeisa.

Soddonkan suxufi oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee warbaahinta dalka, wasiirka caddaaladda Somaliland md xuseen axmed caydiid ayaa sheegay inaynu leenahay xeer lagu dhaqo caruurta oo damaanad qaadaya xuquuqdooda, xeerkaasi oo duruufo kala duwan soo maray, isla markaana loo baahan yahay dhaqangalkiisa.

Waisirka caddaaladda Somaliland waxa uu xusay in aqoon korodhsigan labada maalmood ah looga qol leeyahay inay saxaafaddu wax ka ogaato xeerka caruurta sharciga ahaa, waxa kale oo uu wasiirku xusay inay wax ka dhiman yihin dhaqan galka xeerkan oo u baahan dhamaystirkiisa, kaasoo ah xarumihii dhaqan celinta caruurta sharciga khilaafta oo aan dhisnayn, iyadoo xeerku uu jidaynayo inay jiraan saddex xarumood oo kala darajo ah oo amaankiisu kala duwan yihiin oo lagu kala hayo, isagoo wasiirku intaa raaciyey inay ku hawlan yihiin dhamaystirka xarumahaasi si xeerkani u dhaqan galo si buuxda.

Ugu danbayntii wasiirka caddaaladda Somaliland xuseen axmed caydiid waxa uu ku dardaaray xusufiyiintii ka soo qeyb galay aqoon is waydaarsigan inay si fiican oo buuxda u daraasadeeyaan xeerkan lagu dhaqayo caruurta , shaqadoodana ay ku dabaqaan maadaama oo ay saxaafaddu tahay halka ugu horaysa ee bulshada gaadhsiin karta.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed