Marwada Kowaad oo Hargeysa ka furtay Kulan looga hadlayo Doorka Haweenyka ee Siyaasadda
Hargeysa April 29,2012(SDN)-Marwada madaxweynaha jamhuuriyadda SL Marwo Aamina xaaji Maxamuud (AWeris) ayaa maanta hotel Maansoor ka furtay kulan hal maalin soconaya oo ay ka qayb gelayaan xubno ka socda axsaabta qaranka iyo ururada u soo baxy ka qaybgalka doorashooyinka dawladaha Hoose.
Kulankan oo sidoo kale ay goob joogayaal ka ahaayeen ururada wadaniga ah iyo kuwa caalamiga ah ka shaqeeya arimaha Haweenka uuna soo qabanqabiyey ururka Barwaaqo Voluntery Oranisation BVO oo kaashanaya hay’adda Action Aid ayaa Marwo Aaamina Xaaji Maxamuud Jirde oo ka hadashay waxay mahadnaq u soo jeedisay ururada ku hawlan horumarinta arimaha haweenka, waxayna ku tilmaantay haweenka Soaliland kuwo kaalin mug leh ka qaata siyaasadda iyo horumarinta dalka.
Marwada koowaad waxay si gaar ah u tilmaantay in golayaasha dawladda, axsaabta siyaasadda iyo ururada ay dhamaanttood ka dhex muuqdaan haweenku, ayna haweenku yihiin dad shaqada ay qabanayaan daacad u ah taasoo ay u dheertahay firfircooni, xilli ay ku tilmaantay dadka somaliland ka shaqeeya in 20% ay haween yihiin. sidoo kalena gabdhahu ay derejooyin wanaagsan waxbarashada ka gaadhaan.
Marwo Aamina weris oo ka hadlaysay dhibaatooyinka hortaagan haweenka somaliland waxa ay xustay inay ugu waaweyn yihiin dhaqanka iyo wacyiga ka jira wadankooda, taasoo u baahan in aqoonta dumarka kor loo qaado si caqabadaas ay uga talaabsadaan, kagana qayb qaataan hawlaha wadanka si la siman inta diintu noo ogoshahay.
SDN-Hargeysa