|

Hogaamiyeyaasha Ciidamada dalka Mali oo ku gacan seyray Goaan ka soo baxay dalalka ECOWAS

Bamako April 29,2012(SDN)-

Hogaaniyaha Inqilaabkii ka dhacay dalka Maali 22-kii Bishi March, Kabtan Amaado Haaya Saango, ayaa gaashaanka ku dhuftay qaraar ay dalalka urur goboleedka ECOWAS ku gaadheen kulankii ay ku yeesheen Abidi-jaan , kaasi oo ku saabsan in ciidamo ka socda Dalalka ECOWAS loo diro dalkaasi maali.

Kabtan Sango oo saxafiyiinta kula hadlayey Saldhig ciidan oo ku dhow Caasimada Maali ee Bomaako, ayaa waxa uu sheegay in qaraarada lagu gaadhay abidijaan ee Dalalka ECOWAS ay gaadheen inaan iyaga waxba lagala socod-siin , sidaas darteedna aanan aqbalaynin ayuu yidhi Kabtan Sango qaraaradaasi..

Waxaanuu Kabtanku intaa ku darauy inaanay ogolayn in ciidamo ajaanib ah la keeno dalkooda iyada oo aanay dalban xukuumadda dalka maali. Waxaanuu kabtan gaashaanka ku dhuftay oo kale qaraarka dalalka urur gobolaadkaasi Ecowas ee isna dhigaaya in mudada xiliga kala guurka dalka maali ay noqoto laba iyo toban bilood ka dibna dalkaasi laga qabto doorashooyin.

Waxaanuu Kabtan Saango xusay in masuuliyafdiisa qaadan ka dib marka ay dhamaato maamulka dastuuriga ee madaxweynaha ku meel gaadhka ah Dityokonda Tarawraa ee ay maamulka u dhiibeen laba iyo tobankii bisha april.iyada oo dastuurka dalka maalina uu dhigayo in madaxweynaha ku meel gaadhka ahi uu muddo afartan maalmood gudahood gudahood oo bilaabanta marka maamulka loo dhiibo uu dalka kaga qabto doorashooyin.

SDN-Bamako

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed