Guddomiyaha Gobolka Togdheer iyo Duqa Burco oo Ururadii hadhay fariin u diray
Burco April 29,2012(SDN)-Badhasaabka Gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Ayar ayaa Shir jaraa’id uu maanta ku qabtay Magalada Burco waxa uu soo jeediyay Ururadii siyaasada ee ku hadhay marxaladii loogu gudbayay doorashada Golayaasha deegaanka inaanay ku dhaqaaqin talaabo wax u dhimi karta Nabadgalyada Guud ee Qaranka.
Badhasaabka Gobolka Togdheer oo uu Weheliyo ,ku xigeenkiisa,iyo Maayarka Magaalada Burco oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Burco ayaa si cad u qaadacay inaan loo ogolaan doonin ururadii is diiwaangeliyay balse ku hadhay inay u gudbaan marxalada ka qayb galka tartanka doorashada golayaasha deegaanka ay abaabulaan banaan baxyo aanay wax sharci ah u haysan.
Duqa Magaalada Burco Maxamud Axmed Xasan “Dhego laab” ayaa iftiimiyay inay soo baxayaan warar sheegaya in qaar ka mid ah ururada siyaasada ee hadhay isla markaana carabka ku dhuftay Ururada Gurmad iyo Udhis ay doonayaan mudaharaad ay ka abaabulaan magaalada Burco,isagoo intaas ku daray inaan la ogolaan doonin isu soo bax aan wax ruqsad ama ogolaansho loo haysan.
Maayarka Magaalada Burco waxa uu u soo jeediyay ururadii lagu dhawaaqay inay ku hadheen ka qayb galka doorashada golayaasha deegaamada inay wixii tabasho ah ee ay tirsanayaan ay kala xidhiidhaan dhinaca caasimada dalka ee hargaysa .
Badhasaabka Gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Ayar ayaa sheegay inay maamul ahaan mas’uuliyadi ka saaran tahay wax kastoo taabanaya Xasiloonoda Gobolka waxaanu daboolka ka qaaday inay talaabo sharci ah ka qaadi doonaan cid kastoo ku hadhay sida uu sheegay marxaladii ay ugu gudbi lahaayeen ka qayb galka doorashada Golayaasha deegaanka.
Gudoomiyaha Gobolka Togdheer waxa uu xusay inay maamul ahaan ka hortagi doonaan ururada damacsan inay sameeyaan banaan bax sharciga khilaafsan isla markaana ka hor imanaya maslaxada iyo nabad galyada guud ee qaranka waxa uu Gudoomiyuhu ku booriyay bulshada ku nool magaalada Burco inay dhegaha ka furaystaan dhawaqyada ka soo hor jeeda degenaanshaha Gobolka ee uga imanaya sida uu sheegay Siyaasiyiin gaadhi kari waayay halkii ay higsanayeen.
SDN-Burco