|

Nimanka Muddaharaadka ku baaqay waxaan odhan lahaa Siilaanyo-ba 70-jir buu 80 cod Madaxtinnimo kaga tanaasulay

Tan iyo markii ay Guddiga diiwaangelinta Ururrada siyaasadda iyo ansixinta Xisbiyada Qaranka Somaliland ku dhawaaqeen natiijada ururrada hadhay iyo kuwa soo gudbay 20-kii bishan April oo ku beegnayd maalintii Jimcihii oo ay shaaciyeen inay lix Urur-siyaasadeed u soo gudbeen ka qaybgalka doorashada golayaasha deegaanka, halka ay sheegeen inay sagaal urur ku hadheen wejiga labaad ama wareegga labaad ee shuruudaha lagu kala reebayey Ururrada oo tiradoodu marka hore inta wejiga koowaad ka soo gudubtay dhammayd 15 Urur-siyaasadeed, waxa jiray hadallo xajiin leh, cambaarayn, eedaymo iyo qaaddacaad ka soo yeedhaysay hoggaamiyeyaasha Ururrada hadhay intooda badan.

Haddaba, waxa layaab ku noqotay bulshada Somaliland in badan oo ka mid ah in sagaalkii urur ee la yidhi waad hadheen inta ay shirar jaraa’id qabtaan bulshada ugu baaqaan isu-soo-bax iyo muddaharaad dhawaaqaasina waxaa uu noqday mid uu ka damqaday qof kasta oo jecel horumarka iyo nabadda ka jirta ama hana-qaadka ah ee Somaliland.

Waxa hubaal ah  in isu-soo baxyada aan qorshaysnayn ay ka dhalan karaan nabadgelyo-darro iyo isku-dhacyo dhibaato horseeda, balse waxaa loo baahan yahay in la raaco nidaamka sharci ee dalka u yaalla.   Haddii aynu dib u milicsanno soo-yaalkii taariikheed ee Somaliland laga soo bilaabo 1991-kii markii dalka dib loogu soo noqday waxa laga soo bilaabay sees hoose iyadoo ay jireen duruufo qalafsanaa oo shacabka Somaliland isku-duubni iyo wada-jir kaga soo gudbeen illaa maantana ay jiraan dad la dhibaataysan dhaawacyadii ka soo gaadhay xoraynta dalka oo Dhakhtar iyo dawooyin u baahan. Haddana heerka aynu maanta marayno waxaynu ku soo gaadhnay isku-duubni iyo isu-tanaasul.

Haddaba, ninka bulshadaa hadda cagta saartay dhabbadii horumarka maanta ugu baaqaya rabshado iyo qalalaase waxa uu u muuqdaa mid muujinaya inaanu hanan karin kursiga uu  doonayo,  haddii aan tusaale soo qaadanno Madaxwaynaha maanta talada hayaa Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxaa uu siyaasadda ku soo jiray in ka badan 40 sano oo uu u soo halgamay dalkiisa iyo dadkiisa, waxaa xusid mudan in markii Somaliland laga hirgeliyey nidaamkan habka Asxaabta badan in doorashadii u horraysay ee Madaxtinnimada oo Somaliland Siilaanyo u taagnaa musharrax Madaxwayne oo uu Xisbiga KULMIYE ka tartamay, waxa lagaga helay doorashadaas 2003-dii dalka ka dhacday ee madaxtooyada 80 cod oo uu kaga tanaasulay kursigii madaxtinnimada dalka markay u joogsatay inuu ku dhego oo dalku waxyeelloobo iyo inuu tanaasulo. Isla markaana, waxa uu ku qancay in Qarannimada iyo nabadgelyada dalkiisa iyo dadkiisu kala  wayntahay kursi uu ku fadhiisto oo dhiig loo daadiyo.

Hase-yeeshee, waxa ayaan-darro ah Ragga iyaga oo aan kaw joogin oo xattaa haddii ay wareegga labaad ee shuruudaha guddiga diiwaangelinta baasaas ama ku soo baxaan aan ogeyn inay wareegga dambe ee doorashada golayaasha deegaanka Xisbi u soo gudbi doonaan iyo in kale ee nidaamkii u horreeyay ee qiimaynta ururrada markii Guddidii u xil-saarnayd soo saareen go’aankii inay ku baqaan muddaharadyo rabshado sababa oo aanay waddadii sharciga ahaydna u marin iyagoo wali da’yar ah oo mustaqbalkoodii siyaasadeed haddii Illaahay nafta u daayo aan fari ka qodnayn ee uu u hadhsan yahay muddaharaaddada ku baaqaya, waxaan odhan lahaa waxaad tihiin Rag aqoonyaniin, halgamayaal iyo mujaahidiin-ba isugu jira ee inaad tanaasushaan ayaa dalka, dadka iyo idinkaba xalkoodu ku jiraa.

Waxa kale oo aan idin kula talin lahaa in haddii aydaan tanaasilaynin aydaan muddaharaadyo iyo wax dhib keeni kara oo dalka iyo dadkaba khalkhalin kara, maaddaama oo dadkuunna yahay kuwo aan u bislaan qaabka dunida horumartay u muddaharaaddo aynu sharciga gacmeheenna ku qaadan karno inaydaan isu soo baxyo abaabulin ee aad u leexataan dhinaca sharciga iyo garsoorka dalka ka jira oo dacwadaha waxa aad tabanaysaan geestaa garsoorka ula galgalataan, idinka oo ka eegaya danta dadka iyo dalka aad higsanaysaan inaad mustaqbalka Madaxdiisa ka mid noqotaan amaba idinku hoggaamisaan.

Gebo-gabadii Somaliland uma baahna dad dano gaara leh oo 20 sano Somliland  dib u celiya ee waxay u baahan tahay muwaaddinin kursiga ka jecel dalkooda, dadkooda, jiritaanka qarannimadooda iyo nabad ku waaritaanka dalkooda iyo dadkooda.

Mustafe Jaamac

Hargeysa/Somaliland.

Comments are closed