|

Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo ka hadashay War-laliska cusub ee Radio Hargeysa oo maanta dalka soo gaadhay

Berbera 28, April 2012 (Qurbejoog.com)- War-lalis cusub oo lagu wado in Raadyow Hargeysa yeelato, si ay dalka oo dhan u wada gaadho, ayaa maanta ka soo gaadhay dekedda Berbera, siday masuuliyiintu sheegeen.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta Somaliland Mr. Faysal Cali Sheekh, ayaa sharaxaad ka bixiyay war-laliska cusub oo sida la sheegay awoodiisu tahay 100 kilowatts.

Waxa uu sheegay in hirgelinta idaacad dalka oo dhan wada gaadhaa ay ka mid tahay balanqaadyadii xisbiga talada haya ee Kulmiye ku galay ololihii doorashada ee 2010.

Mr. Faysal Cali Sheekh waxa uu tilmaamay muhiimada ay qaranka u leedahay in la helo idaacad dalka wada gaadha, maadaama Radio Hargeysa ku kooban tahay uun caasimadda iyo agagaarkeeda.

Agaasimuhu waxa uu ku dooday in keenista idaacaddan ay u mareen shuruucda dalka, isla markaana bixiyeen qandaraas, inkastoo aanu xusin cida qandaraaskaas la siiyay. Sidoo kale, waxa uu sheegay in idaacadan cusub laga soo iibiyay dalka Shiinaha, isla markaana muddo afar maalmood gudahood ah lagu rakibi doono.

Qurbejoog.com, Berbera

Comments are closed