|

Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland:Kulanka Shariifka iyo Faysal Saxaafadaanu ka maqalay,waxbana may isbedelin

Hargeysa April 28,2012(SDN)-Wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland Md Maxamd Cabdilaahu Cumar ayaa shaaca ka qaaday in wadahadalo shalay la shaaciyay oo dhexmaray Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Guddoomiye Faysal Cali Waraabe in aaney wax isbedel ah ku keenin goaankoodii qaadacadaada wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Wasiirka ayaa mar uu maanta u waramay jariirada Waheen ee Hargeysa ka soo baxda ayaa uu ku yidhi’Wax isbedel ah oo ku yimi wada hadaladii Somaliland iyo somaliya la qorsheeyay inay yeeshaan ma jiraan oo aan ahayn sidii madaxweyne Shiriif u soo dhisay guddidiisa oo aanu u aragno mid aan ku sax ahayn shirka sida laysu arkayo iyo waxa laga wada hadlayaba, waxaanan hore ugu baaqnay dawlada TFG-du inay joojiso arimahaasi ay ku carqaladaynayso oo wada hadalka si waafaqsan war-murtiyeedkii shirkii London ku baaqay inay shirka u soo galaan, markaa wax isbedel ah oo ku yimi mawqifka Somaliland ee wada hadaladaaasi ma jiraan, kulankan guddoomiye faysal iyo shariif dhex maray ee aanu idaacadaha ka maqalnayna wax saamayn ah oo uu ku leeyahay arrimahan socdaa ma jiraan haba yaraatee”.

Wasiirka ayaa intaa raaciyay in loo baahan yahay in Soomaaliya ay la timaado guddi waafaqsan heshiiskii London si wadahadalada loo anbaqaado.

Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa kulan kedis ahaa la yeeshay Madaxwynaha DFKMG ah ee Soomaaliya xili labaduba ay ku sugnaayeen magaalada Dubai.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed