Ururka VOSOMWO oo Hargeysa ku qabtay kulan lagaga hadlayo kor-u-qaadida ka qaybgalka Siyaasadda ee Beelaha la hayb-sooco
Hargeysa, 28, April 2012 (SDN)- Ururka Codka Haweenka Somaliland ee laga tirada badan yahay VOSOMWO ayaa qabtay lagaga arrinsanayo doorka ka qaybgalka siyaasadda ee beelaha la haybsooco.
Kulankan oo furitaankiisii ay ka qaybgaleen Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada, Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa, Salaadiin, Xubno ka tirsan Ururrada Bulshada iyo masuuliyiinta Ururka VOSOMWO.
Kulankan oo ay maalgelisay Hay’ada NED waxa ugu horeyn ka hadashay furitaankii kulankaas Guddoomiyaha Ururka Codka Haweenka Somaliland ee laga tirada badan yahay ee VOSOMWO Nimco Iid Salaan, waxaanay ka warantay ujeedada kulankaas iyo waxyaabaha lagaga hadli doono. Waxaana ka mid ahaa hadalladeedii. “Kulankani wuxuu hordhac u yahay kulamo taxane ah oo aanu sannad walba ku qabano gobolladaSomaliland, kuwaasoo lagu wacyigelinayo sidii kor loogu qaadi lahaa heerka ka qaybgalka siyaasaddeed ee beelaha laga tirada badan yahay, isla markaana looga qaybgalin lahaa fusradaha shaqo ee ka jira guud ahaan Somaliland.” Ayay tidhi Guddoomiyaha Ururka VOSOMWO Marwo Nimco Iid Salaan.
Sidoo kale, waxay ka hadashay doorka siyaasaddeed ee ay beelaha la haybsoocaa ku leeyihiinSomaliland. “Sida aynu wada ognahay Somaliland waxa ka hana qaaday hanaan dimuqraadi ah, kaasoo cid walba u saamaxaya inuu ka qayb qaato siyaasadda dalka, inkastoo hanaankaasi aanu noo suurogelin in beelaha la haybsoocaa ku soo baxaan ka qaybgalka siyaasaddeed ee dalka, dedaal dheer ka dib waxay fursad u heleen inay helaan wixii ay dalbanayeen oo ahaa kuraas kooto ah, arrintaasna waxa ammaanteeda leh Xukuumadda manta jirta.” Ayay tidhi Guddoomiyuhu.
“Sida aad wada ogsoon tihiin dhawaan Madaxweynuhu wuxuu u gudbiyay golaha wakiillada kootooyinkii ku saabsanaa dumarka iyo dadka laga tirada badan yahay, taasoo beeshu ay cabasho ka muujiyeen saamiga ay ka heleen Wakiillada iyo Guurtida, saamigaas oo aan ahayn mid u cuntama beelahaas. Waxaanan ka codsanayaa Golaha Wakiillada inay ka dooddaan arrintan, isla markaana loo kordhiyo kuraasta goleyaasha ee beelaha la haybsooco.”
Xildhibaan Yuusuf Kirix Cawad oo ka tirsan galaha deegaanka caasimadda Hargeysa oo kulankaas ka hadlay ayaa ugu baaqay goleyaasha sharci dejinta iyo xukuumaddu inay u kordhiso kootada kuraasta beelaha laga tirade badan yahay.
Waxa kale oo isaguna kulankaas ka hadlay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo ka mid ah golaha wakiillada, waxaanu si qoto dheer uga hadlay muhimada ay leedahay in beelahaasi ay helaan xuquuqdooda siyaasaddeed oo dhamaystiran, waxaanu tilmaamay in golahooda wakiilladu uu si fiican uga hawlgali doono sidii kootada loogu kordhin lahaa beelaha la haybsooco.
Suldaanka Beelaha la haybsooco Suldaan Naasir Suldaan Axmed Ismaaciil ayaa sheegay in Xukuumaddihii kala dambeeyay ee soo maray Somaliland ay mid walba door wanaagsan ku lahaayeen beel ahaan, isla markaana ay meelo wanaagsan kaga jireen, balse waxa uu xusay inay jireen caqabado dhinacyo badan leh oo ilaa xilligaa soo jiitamayay, waxaanu baaqyo kala duwan u dhiirigelin ah u diray Xukuumadda, beelaha la haybsooco iyo dhamaan bulshada Somaliland.
Luul Xasan Mataan oo ka mid xubnaha sida joogtada ah uga shaqeeya sidii kor loogu soo qaadi lahaa hawlaha waxqabad ee beelaha laga tirade badan yahay, oo kulankaas hadal ka jeedisay ayaa bulshada beelaha laga tirade badan yahay ku boorisay inay isku duubnaadaan, iyadoo tilmaantay isku duubnidooda inay ku gaadhi karaan wax kasta oo ay hiigsanayaan.
SDN, Hargeisa