|

Ururka Suxuyiinta ee SOLJA oo cambeereeyay xadhiga Suxufi ka hawlgala Ceerigaabo

Hargeysa, 26, April 2012 (SDN)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa cambaareeyay xadhiga xadhig ay ciidamada ammaanka ee magaalada Ceerigaabo u gaysteen wariye ka hawlgala Telefishanka Royal iyo Wargeyska Waaheen Cabdilaahi xuseen Darwiish oo laba maalmood ku xidhan saldhig ku yaala magaaladdaas.
Warsaaxafadeed uu ku saxeexan yahay xogyaha guud ee Ururka SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska wararka ee Somalidiasporanews ayaa u dhignaa sidan.
“Ururka Suxufiyiinta somalialnd ee solja wuxuu canbaaraynayaa xadhiga weriyaha royal tv iyo waaheen uga soo warama magaalada ceerigaabo ee gobolka sanaag c/laahi xuseen darwiish.ahna wakiilka ururka solja ee
gobolkaa .oo maalintii shalay ee salaasadii boolisku ku qabteen magaalda ceerigaabo isagoo shaqadiisii suxufinimo gudanaya,iyagoo aan wax waaran maxkamadeed oo u fasaxaya xadhigiisa sidanin .
Iyadoo sida la sheegay amarka xadhigiisa uu bixiyay gudoomiyaha gobolka sanaag oo ku sababeeyay sababta xadhigiisa waraysi uu ka qaaday dad dan yar oo ka cabanayay inaanu soo gaadhin raashin mucaawino ahaa oo gobolkaa loogu talo galay .
Inkastoo markii aan la xidhiidhay gudoomiyaha iyo taliyaha qaybta bilayska ee gobolka sanaag ay ku dacwoodeen inuu war beena oo sumcadooda wax u dhimaya ka qoray hadana baadhid aanu ku samaynaynay waxaanu ku ogaanay inuu weriyuhu war ka duubay dad danyara oo cabanaya uu hadalkoodii oo toosa sii daayay isagoon wax faalo ah ku darsan inkastoo aanu dhinaca maamulka waxba ka waydiin Sidaa daraadeed waxaanu gudoomiyaha gobolka sanaag iyo xukuumada Somaliland-ba ka codsanaynaa inay degdeg xoriyadiisii ugu soo celiyaan weriyahaa ama maxkamad u keenaan si loogu soo oogo hadii uu wax dambiya leeyahay
Xohayaha guud ee SOLJA
Mohamed-rashid muhumed farah
SDN, Hargeisa

Comments are closed